Isimada G/Bari oo ku baaqay shir lagu badbaadinayo Puntland

Isimmada Gobolka Bari ee Puntland ayaa soo saaray war-murtiyeed rasmi ah kadib shir maalmo uga socday magaalada Boosaaso, kaas oo ay kaga hadlayeen xaaladda guud ee Puntland iyo mustaqbalka maamulku leeyahay.

War-murtiyeedka ayaa lagu xusay dhowr qodob, waxaana ugu muhiimsanaa baaq ku wajahan Isimmada kale ee Puntland in ay si degdeg ah isugu yimaaddaan shirweyne guud, si dib-u-eegis iyo talo wadaag loogu sameeyo hanaanka iyo dhismaha Puntland-tii la asaasay sanadkii 1998.

Isimmadu waxay sheegeen in isbeddel muuqda uu ku yimi nidaamkii iyo mabda’ii Puntland, sidaas darteedna ay muhiim tahay in dib loo hagaajiyo wadashaqeynta iyo midnimada shacabka Puntland.

Dhanka kale, qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaridka Puntland ayaa si buuxda u taageeray baaqa Isimmada Bari, iyagoo sheegay in loo baahan yahay “Puntland cusub oo ku dhisan heshiis iyo wada-tashi cusub,” maadaama — sida ay sheegeen — “nidaamkii 1998 uu ku dhacay isbeddel iyo kala duwanaansho.”

Siyaasiyiintaas oo ay kamid yihiin xubno hore uga tirsanaa dowladda Puntland ayaa ku tilmaamay war-murtiyeedka Isimmada “tallaabo geesinimo leh oo lagu badbaadinayo Puntland iyo nidaamkeeda dowladnimo.”

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Liiska ururada ka qeybgalaya doorashada Galmudug oo la soo saaray

Guddiga doorashooyinka Soomaaliya ayaa soo saaray liiska ururada siyaasadeed...

JSP oo ku dhawaaqay in Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen uu yahay Musharraxa Hoggaamiyaha Hirshabeelle

Kulanka Guddiga Fulinta ee Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP)...

Taliyaha Milatariga oo la kulamy taliyaha ciidanka gaar ah ee Africom

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

Golaha Shacabka oo Joojiyay Lacagtii $100-ka ahayd ee Xildhibaannada laga Jari Jiray

Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa go’aan ku...

Sacudi Carabiya ayaa joojisay dhuumaha shidaalka ee Badda Cas

Weerar diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drone) lagu qaaday dhuumaha...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles