Madaxweyne Deni oo maanta furaya kalfadhiga cusub ee Golaha wakiilada Puntland

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta si rasmi ah u furaya kalfadha cusub ee Golaha Wakiillada Puntland, kadib markii shalay uu dib ugu laabtay magaalada Garoowe.

Munaasabadda furitaanka ayaa waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, ku-xigeennadiisa, Xildhibaanno, saraakiil sare iyo marti sharaf kale, waxaana Madaxweynaha lagu wadaa inuu halkaas ka jeediyo khudbad dheer oo uu kaga hadlayo xaaladda guud ee Puntland iyo Soomaaliya.

Qodobada uu Madaxweynaha kaga hadlayo kalfadhiga

Khudbadda Madaxweyne Deni ayaa la filayaa inay diiradda saarto arrimo ay ka mid yihiin:

Xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo xiriirka Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dagaalka ay ciidamadu kula jiraan maleeshiyaadka Daacish ee Buuraha Cal Miskaad ee gobolka Bari.

Waxqabadka xukuumaddiisa tan iyo markii uu xilka qabtay iyo qorshayaasha mustaqbalka dhow.

Arrimaha federaalka, qaybsiga kheyraadka iyo dib-u-eegista dastuurka Soomaaliya.

Wadahadalka Somaliland iyo geeddi-socodka doorashooyinka Puntland.

Xildhibaannada Puntland oo muddo fasax ku maqnaa ayaa hadda lagu wadaa inay si buuxda dib ugu laabtaan shaqooyinkooda, isla markaana ay falanqeeyaan waxqabadka xukuumadda iyo caqabadaha horyaalla maamulka.

Furitaanka kalfadhigan ayaa ku soo beegmaya xilli Madaxweyne Deni uu wajahayo cadaadis siyaasadeed oo uga imaanaya mucaaridka Puntland iyo Isimmada dhaqanka, kuwaas oo dhawaan ku baaqay in la qabto shirweyne ballaaran oo dib loogu eegayo hanaanka Puntland iyo “isbedelladii ku yimid nidaamkii aasaaska u ahaa sanadkii 1998.”

Shirweynaha ay Isimmadu ku baaqeen ayaa la filayaa in uu ka dhaco magaalada Boosaaso, halkaas oo maalmo ka hor ay Isimmada Gobolka Bari ka soo saareen war-murtiyeed xooggan oo ay ku dalbanayeen dib-u-habeyn siyaasadeed iyo midnimo guud oo Puntland ah.

Madaxweynaha ayaa hore ugu sugnaa Boosaaso, halkaas oo uu dardar-geliyay howlgalka ka dhanka ah maleeshiyaadka Daacish iyo tababar u soo xiray cutubyo cusub oo Boolis ah, taas oo qayb ka ah dadaallada xukuumaddiisu ku doonayso in ay adkeyso amniga gobolka Bari.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 15 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

IGAD oo maanta Jabuuti ka furaysa shir looga hadlayo nabadda iyo amniga Geeska Afrika

Shir aan caadi ahayn oo ay yeelanayaan Golaha Wasiirrada...

Trump oo Danjirayaal Cusub u Magacaabay Soomaaliya, Jabuuti iyo Sacuudiga 

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa 14-kii Sebtembar 2026 u...

Cirro oo DF ku eedeeyay in ay dadka Kala qeybisay iyo arrimo xasaasi ah uu ka hadlay

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa sheegay in...

Duqeyn culus oo xalay ka dhacday duleedka Baydhabo

Duqeyn culus ayaa xalay ka dhacday deegaanka Ceel-Muud, oo...

Meleeshiyaad hubeysan oo dad rayid ah laayay iyo faahfaahin ka soo baxaysa

Ugu yaraan 15 qof ayaa lagu dilay weerarro ay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles