Golaha shacabka oo la horkeenay Mooshin ku saabsan 14 October in loo aqoonsado maalin Xusuus Qaran ah

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maanta la horgeeyay mooshin ku saabsan in 14ka October loo aqoonsado Maalinta Xusuusta Qaranka ee dhibanayaasha argagixisada ee Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ku dhintay xasuuqii Zoobe ee 2017.

Xildhibaanada soo jeediyay mooshinka ayaa sheegay in maalintaas ay tahay mid qaran oo lagu xasuusanayo dhibaatada argagixisada, iyadoo Xildhibaan Maxamed Cabdiqaadir uu codsaday in qaraar rasmi ah laga soo saaro soojedinta.

Xildhibaan Maxamed Haaruun ayaa akhriyay mooshinka, iyadoo xildhibaanada ka qaybgalay ay muujinayaan taageero ku aaddan in maalintan sannad walba loo xuso dhibanayaasha argagixisada.

Mooshinkan ayaa ujeedadiisu tahay in Soomaaliya ay yeelato maalin qaran oo xasuus leh, si loo sharfayo shacabka Soomaaliyeed ee ku dhintay weerarrada argagixisada.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles