Tuesday, March 3, 2026

Isku shaandheyn lagu sameynayo Golaha Wasiirrada iyo xogtii ugu dambeysay

Wararka laga helayo Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in la qorsheynayo isku shaandheyn lagu sameynayo Golaha Wasiirrada, taasoo saameyn doonta wasaarado muhiim ah oo ka tirsan xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Wararka ayaa sheegaya in Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Macallin Fiqi lagu wado in loo wareejiyo xilka Wasiirka Gaashaandhigga, taasoo noqonaysa isbeddelkii labaad ee Wasaaradda Gaashaandhigga muddo bil gudaheed.
Xilkaasi waxaa horay loogu wareejiyay Jibriil C/rashiid Xaaji kadib markii xilka laga qaaday C/qaadir Jaamac Maxamed.

Dhinaca kale, xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda oo bannaanaan doona ayaan weli la xaqiijin cidda qaban doonta ee loo dhiibi doono waxaana u sharxan ilaa saddex qof oo laba ka mida wasiiro yihiin.

Isbedelkan cusub ee miiska u saaran madaxweyne Xasan Sheekh ayaa saameyn doona, qaar ka mida saaxiibadiisa ugu muhiimsan muddo xileedkiisa labaad oo kala ah ee Axmed Macallin Fiqi iyo C/llaahi Maxamed Cali Sanbalooshe.

Kadib dagalkii AS ku qabsatay degmada Aadan Yabaal ayuu madaxweyne Xasan Sheekh ku dhaqaaqay qorshe isbedel oo mar kale lagu sameynayo Hay’adaha Amniga iyo Wasaaradda Gaashaandhigga.

Kala wareejinta Wasiirada Arrimaha Dibadda iyo Gaashaandhigga ayaa ka dhigan in mar kale lagu laabto awood qeybsiga beelaha, iyadoo ay adag tahay kala saarista shaqsiyaadka loo xulayo xilalkan.

Jaha-wareerka ka jira madaxtooyada Soomaaliya ayaa keenay in baraha bulshada loo adeegsado ololeyaal iska horjeeda oo ku saabsan isku shaandheynta cusub.

Taageerayaasha Agaasimihii hore ee NISA Mahad Maxamed Salaad ayaa bilaabay inay faafiyeen qoraallo lagu sheegay inuu xilka NISA mar kale qabanayo Mahad, taasoo aan la xaqiijin.

Waxaa kaloo la hadal hayaa xildhibaanno iyo siyaasiyiin xukuumadda soo geli doona iyo Qaar laga saari doono.

Dhowaan waxaa la beeniyay in xil ka qaadis lagu sameynayo ama uu is-casilaad gudbiyay Taliyaha ciidamada Xoogga Dalka Odowaa Yuusuf Raage.

Isku shaandheyntan cusub iyo kala bedelka wasiirada ee joogtada noqday ayaa si gaar ah indhaha loogu hayaa, iyadoo laga eegayo sida ay u saameyso siyaasadda arrimaha dibadda, ammaanka iyo wada shaqeynta dowladda dhexe iyo beesha caalamka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Safiirka Turkiga?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan...

Shiinaha oo war ka soo saaray markab kalluumeysi oo lagu afduubtay Puntland

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga...

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

Horjoogihii qorsheeyey weerarkii godka Jilacow oo la dilay

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles