Saturday, June 13, 2026

Israa’iil oo duqeysay fariisimaha ciidamada Suuriya ee koonfurta Xalab

Duqeymaha cirka ee Israa’iil ayaa habeenkii Khamiista lala beegsaday fariisimo ciidamada Suuriya ay ku leeyihiin koonfurta Xalab, sida ay sheegtay kooxda la socodka xuquuqda aadanaha Suuriya, halka dadka deegaanka ay sheegeen in ay maqleen qaraxyo waaweyn.

Kormeerayaasha ayaa sheegay in ay maqleen dhawaqa “ugu yaraan todobo qarax oo waaweyn oo ka dhashay ciidamada cirka ee Israa’iil oo beegsaday shaybaadhada difaaca ee deegaanka Al-Safira ee koonfurta Xalab iyo cilmi-baadhisyo cilmiyeed,” kuwaas oo ah goobo ay leeyihiin ciidamada Suuriya oo laga marki xukunka laga tuuray Bashaar Al-asad.

Israa’iil ayaa boqolaal duqeymo ah ku qaaday saldhigyada militariga Suuriya kadib markii kooxo hubaysan oo ay hogaaminayso Hayat Tahrir al-Sham ay xukunka ka tuureen Assad 8-dii December.

Israa’iil ayaa qiil uga dhigtay duullaankaas iyadoo sheegtay inay doonayso inay ka hortagto in xarumahan iyo hubkaba ay ku dhacaan gacmaha cadawga.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 13 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Koofur galbeed oo soo saartay go’aano amni oo lagu sugayo Baydhabo

Hoggaamiyaha maamulka Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)...

Madaxweynaha Somaliland oo beri tagaya Israa’iil

Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed...

Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab Ku Qaadday Saldhig Ku Yaalla Mandheera

Ciidamada ammaanka Kenya ayaa ka hortagay weerar habeenimo oo...

FBI-da Oo Gacanta Ku Dhigtay Soomaali Lagu Eedeeyay Musuqmaasuq Ka Badan $4 Milyan

Hay’adda Baarista Federaalka Mareykanka ee FBI-da ayaa shaacisay inay...

22 dal oo digniin wadajir ah u diray Iiraan`

Labaatan iyo laba dal, oo ay ku jiraan Mareykanka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles