israa’iil oo lagu eedeeyay inay 11 qof ku dishay Qasa

Sida ay sheegeen ilo caafimaad iyo goobjoogayaal, ugu yaraan 11 Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay, oo ay ku jiraan haween iyo carruur, halka daraasiin kale ay ku dhaawacmeen duqeymo cirka ah oo Israa’iil ka fulisay qaybo kala duwan oo ka tirsan Magaalada Gaza.

Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa waaberigii Khamiista weeraray ugu yaraan afar dhisme oo la deggan yahay oo ku yaalla xaafadaha Sheikh Radwan iyo Tel al-Hawa, iyo sidoo kale xerada qaxootiga ee Shati, taasoo sababtay qaraxyo xooggan iyo argagax soo wajahay dadka deegaanka.

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada, kuwaas oo la sheegay inay muujinayaan wixii ka dambeeyay weerarrada, ayaa waxaa ka mid ahaa sawirro murugo leh oo muujinaya dad isku dayaya inay ka baxsadaan dhisme dab qabsaday oo ku yaalla xerada Shati.

Ciidamada Israa’iil weli wax faallo ah kama aysan bixin weerarradan.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay warbaahinta in saddex diyaaradood oo qumaatiga u kaca ah oo Israa’iili ah ay muddo gaaban dul heehaabayeen xeebta Magaalada Gaza ka hor intaysan si isku mar ah u qaadin weerarro lagu bartilmaameedsaday dhismayaashaasi.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 29 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Moscow oo weerarro lagu ekeyay xilli hoggaamiyaal Afrikaan ah ay ku shirayaan

Ruushka ayaa cambaareeyay weerarro ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn...

Cumar Cabdirashiid oo Farmaajo kala hadlay mideynta aragtida siyaasadeed

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke,...

QM oo sheegtay in kumanaan qof ay ka barakaceen dagaallada Soomaalida iyo Oromada

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ku dhowaad 36,000 oo...

NISA oo shaacisay dilka horjoogihii maaliyadda Al-Shabaab ee Kuunyo Barrow

Dowladda Federaalka Soomaaliya ay shaacisay in howlgal qorsheysan oo...

TPLF oo taliye sare oo ka tirsanaa ku eedeysay khiyaano qaran

Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) ayaa ku eedeysay mid...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles