Tuesday, March 3, 2026

Israa’iil oo weerar xooggan ku qaadday Suuriya

Milateriga Israa’iil ayaa ku dhawaaqay in ay duqaymo la beegsadeen “hubka taliska Suuriya ee koonfurta dalkaasi”, halka kooxda la socodka xuquuqul insaanka ee Suuriya ay sheegtay in duqeymahaasi ay ku soo beegmayaan iyadoo duqeymo xooggan ay ka dhaceen hawada Suuriya.

Kooxda la socodka xuquuqul insaanka ee Suuriya ayaa intaa ku daray in qaraxyo xooggan laga maqlay magaalada Quneitra iyo Darcaa ee koonfurta Suuriya taasoo ka dhalatay duqeymaha diyaaradaha Israa’iil.

Waxay xustay in la bartilmaameedsaday guutada 175-aad ee u dhow magaalada Izra, agagaarka Tal al-Mal ee waqooyiga Daraca, iyo Tal al-Shaar oo u dhow Quneitra. Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay.

Kormeerayaasha ayaa intaa ku daray in duullaanka Israa’iil uu jawaab u ahaa laba madfac oo laga soo riday Suuriya kuna sii jeeday Israa’iil.

Xigasho:-BBC

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 02 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wadahadal la yeeshay Amiirka Qatar iyo Boqorka Urdun

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay James Swan

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya  Sheekh Aadan Maxamed...

Howlgal ka dhacay G/Sh/Hoose oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsanaa Al-shabaab

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Ciidanka Midowga Afrika...

Dagaalka Bariga Dhexe oo sii xoogeystay maalintii 3-aad

Dagaalka u dhexeeya United States, Israel iyo Iran ayaa...

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo cambaareeyay go’aankii lagu celiyay xildhibaanno u safrayay

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si adag u cambaareeyay go’aankii...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles