Sunday, August 9, 2026

Israa’iil oo weerartay fariisimo ay Xisbullah ku leeyihiin dalka Lubnaan

Ciidamada cirka ee Israa’iil ayaa weerarro ku qaaday fariisimo ay Xisbullah ku leeyihiin dalka Lubnaan, kadib markii gantaal lagu weeraray dhulka buuraleyda ah ee Golan oo ay Israa’iil maamusho iyadoona halkaas ay ku dhinteen 12 qof oo isugu jiray caruur iyo dhalinyaro kubad ciyaaraysay.

Israa’iil ayaana Xisbullah ku eedaysay in ay weerar ku qaadeen mid ka mid ah bulshooyinka Carabta ee dagan dhulka Israa’iil kuwaas oo loo yaqaan Druze waxa ayna daganyihiin magaalada Majdal Shams.

Ciidamada difaaca Israa’iil ayaa sheegay in ay duqeeyeen todobo goobood oo fariisimo u ah Xisbullah inkasta oo aysan xaqiijin wax khasaare ah.

Xisbullah ayaa dhankooda beeniyay in ay weerar gantaal ah ku qaadeen dhulka buuraleyda ah ee Golan ee ay Israa’iil maamusho.

Weerarka gantaal ee lala beegsaday magaalada Majdal Shams ayaa noqonaya midkii ugu darnaa ee ka dhaca xadka waqooyiga Israa’iil tan iyo markii ay Xamaas weerartay Israa’iil bishii Oktoobar 2023.

Israa’iil ayaana shaacisay magacyada iyo da’da toban kamid ah dadka dhintay kuwaas oo u badnaa caruur, waxaa sidoo kale dadka dhintay kamid ah qof aan la ogeyn da’diisa.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 08 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Imaaraadka oo sheegay in Iran gantaal ku dhufatay markab ay lahaayeen

Imaaraadka Carabta (UAE) ayaa Sabtidii ku dhawaaqay in markab...

Puntland oo sheegtay in ay la wareegtay xero ciidan oo ku taalla Carmo

Maamulka Puntland ayaa sheegay in maanta ay ‘si rasmi...

Deni oo gaaray Gaalkacyo kadib markii uu ka adkaaday Ciidankii PSF

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa gaaray magaalada Gaalkacyo...

Ciidamo cusub oo ka mid noqonaya Gorgor oo tababar loogu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Sahal...

NISA oo Muqdisho ku qabatay xubno ka tirsanaa Al-shabaab

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa gacanta...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles