Sunday, December 28, 2025

Israa’iil oo xirtay xuduuda ay la wadaagto Masar

Wasiirka Difaaca Israa’iil, Yisrael Katz, ayaa Khamiistii ku dhawaaqay in uu amar ku bixiyay in ciidamada ay xiraan xadka u dhaxeeya Israa’iil iyo Masar oo laga dhigo aag ciidan oo xiran, si looga hortago hubka sida qarsoodiga ah loogu soo geliyo marinka Qaza ee loo adeegsado diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, sida uu sheegay

War qoraal ah oo uu soo saaray Katz oo lagu daabacay akoonkiisa Telegram-ka ayaa u dhignaa sidan: “Waxaan faray ciidamada IDF in dhulka ku dheggan xuduudka u dhexeeya Israa’iil iyo Masar laga dhigo aag ciidan oo xidhan, isla markaana la waafajiyo shuruucda dagaalka si looga hortago khatarta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee halista ku ah amniga dawladda

Waxaa uu intaasi ku daray “in hubka sharci darrada ah ee loo adeegsado diyaaradaha aan duuliyaha lahayni uu qayb ka yahay dagaalka Gaza, ujeedaduna tahay in la hubeeyo cadawgeena, waana in la qaado tallaabo kasta oo lagu joojinayo” ayuu yiri

Xadka u dhaxeeya Israa’iil iyo Masar ayaa gaaraya ilaa 200 oo kilomitir, waxaana si adag loo ilaaliyaa si looga hortago hub iyo daroogo

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 27 12 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Koofur Galbeed oo si adag u diiday Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Maamulka Dowlad-goboleedka Koofur Galbeed ayaa warsaxaafadeed rasmi ah ka...

Wadamo iyo Ururo ka horyimid aqoonsiga Somaliland ee Israa’iil

Dalal iyo ururro caalami ah ayaa si isku mid...

Rw hore ee Turkiga oo dalab culus u diray Masar, Turkiga iyo Sacuudiga

Sidoo kale wuxuu sheegay in sanadihii 2012-2013 ay dalal...

Aqoonsi Caalami ah sidaa uma fududa:-Calanka Towxiidka Ixtiraama, kuwa Yahuudda u Ordayoow

Waxaan maanta wajahaynaa isku day qaawan oo si toos...

Midowga Afrika oo soo dhaweeyay doorashooyinkii degmooyinka ee ka qabsoomay Muqdisho

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (AUC), Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles