Wednesday, March 19, 2025

Israel iyo Hamas oo maanta mar kale isweydaarsanaya maxaabiis

Lix maxbuus oo Israa’iili ah ayaa lagu wadaa in maanta lagu sii daayo Gaza, si loogu beddesho 602 falastiiniyiin ah oo ku xiran xabsiyada Israa’iil.

Hamas ayaa haatan isu diyaarineysa wareejinta lix la haystayaal oo ah maxaabiis nool ,iyadoo uu socdo wajigii koowaad ee heshiiska xabbad joojinta ee u dhexeeya kooxda hubaysan ee Falastiiniyiinta iyo Israa’iil.

Israa’iil ayaa sheegtay in ay sii deyn doonto dhammaan haweenka iyo kuwa da’doodu ka yar tahay 19 sano ee la xiray tan iyo bishii Oktoobar ee sanadkii 2023.

Lixda Israel ee maanta la sii deynaayo waxaa kamid ah Avera Mengistu iyo Hisham al-Sayed,kuwaas oo la qabtay 2014 iyo 2015, ,kadib markii ay si iskood ah ugu gudbeen  Gaza.

Afarta kale ee Omer Shem Tov, Eliya Cohen, Omer Wenker iyo Tal Shoam ayaa lagu qabtay dagaalkii 7 Oktoobar 2023.

Kolonyo gaadiid ah oo ay wateen Laanqeyrta Cas ayaa hadda gaaray magaalada Rafah ee koonfurta Qaza halkaas oo maanta  lagu sii dayn doono tiro maxaabiis ah.

Dhanka kale, ciidamada Israa’iil ayaa gudaha Daanta Galbeed ee Jenin iyo Hebron ku dilay laba carruur ah oo Falastiini ah, da’dooduna lagu kala sheegay 12 iyo 13 jir.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 18/03/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Gaaray Jiidaha Hore ee Dagaalka Ka Dhanka AS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ciidamada Qaranka oo Weerar Culus Ku Qaaday Xubno Ka Tirsan AS, Dagaal Xooggan oo Ka Dhacay Sh. Dhexe

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa deegaanka Guullane ayaa...

Qarax ka dhacay muqdisho

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo...

Turkiga oo diyaarado dagaal u soo diraysa Soomaaliya iyo Sababta ka dambeysay

Dowladda Türkiga ayaa qorsheyneysa inay Soomaaliya u soo dirto...

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 17/03/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles