Israel iyo Hamas oo maanta mar kale isweydaarsanaya maxaabiis

Lix maxbuus oo Israa’iili ah ayaa lagu wadaa in maanta lagu sii daayo Gaza, si loogu beddesho 602 falastiiniyiin ah oo ku xiran xabsiyada Israa’iil.

Hamas ayaa haatan isu diyaarineysa wareejinta lix la haystayaal oo ah maxaabiis nool ,iyadoo uu socdo wajigii koowaad ee heshiiska xabbad joojinta ee u dhexeeya kooxda hubaysan ee Falastiiniyiinta iyo Israa’iil.

Israa’iil ayaa sheegtay in ay sii deyn doonto dhammaan haweenka iyo kuwa da’doodu ka yar tahay 19 sano ee la xiray tan iyo bishii Oktoobar ee sanadkii 2023.

Lixda Israel ee maanta la sii deynaayo waxaa kamid ah Avera Mengistu iyo Hisham al-Sayed,kuwaas oo la qabtay 2014 iyo 2015, ,kadib markii ay si iskood ah ugu gudbeen  Gaza.

Afarta kale ee Omer Shem Tov, Eliya Cohen, Omer Wenker iyo Tal Shoam ayaa lagu qabtay dagaalkii 7 Oktoobar 2023.

Kolonyo gaadiid ah oo ay wateen Laanqeyrta Cas ayaa hadda gaaray magaalada Rafah ee koonfurta Qaza halkaas oo maanta  lagu sii dayn doono tiro maxaabiis ah.

Dhanka kale, ciidamada Israa’iil ayaa gudaha Daanta Galbeed ee Jenin iyo Hebron ku dilay laba carruur ah oo Falastiini ah, da’dooduna lagu kala sheegay 12 iyo 13 jir.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Markab shidaal oo marayay Hormuz ayaa la weeraray

Ururka arrimaha badaha ee UK ee loo ayqaan UKMTO...

Fiqi oo la kulmay wafdi ka socda saraakiil Turkiga ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Puntland oo qabatay gaadiid iyo ciidan ka tirsan DF oo galay waqooyiga Gaalkacyo

Maamulka Puntland ayaa saaka kantaroolka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo...

KGS oo mamnuucay soo gelinta iyo ka ganacsiga qaadka sharci-darrada ah ee Baydhabo

Maamulka Koofur Galbeed ayaa soo saaray go’aan lagu mamnuucayo...

Maamulka Puntland oo bilaabay laba howlgal oo ka socda buuraha Calmadow iyo xeebaha

Maamulka Puntland ayaa bilaabay laba howlgal oo dhinacyada dhulka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles