Wasiirka gaashaandhigga Israel, Yisrael Katz, ayaa kulan la qaatay taliyaha guud ee ciidamada, Janaraal Eyal Zamir, iyo saraakiisha ugu sarraysa ee milateriga, si ay uga wada hadlaan qodobbada guud ee qorshaha lagu qabsan doono magaalada Gaza.
Sida ay sheegtay wasaaradda gaashaandhigga Israa’iil, qorshaha kama dambaysta ah ayaa la diyaarin doonaa waxaana loo soo bandhigi doonaa dowladda si ay u ansixiso maalinta Axadda soo socota.
Katz ayaa xaqiijiyey in Israel ay go’aansatay in ay jebiso Xamaas, soo furato dhammaan la haysteyaasha, isla markaana ay dhamayso dagaalka,” isaga oo tilmaamay in ciidanku ururinayo dhammaan xooggiisa si uu ugu diyaar garoobo fulinta go’aanka golaha wasiirrada.”
Hoggaanka siyaasadda ayaa ku cadaadinaya ciidanka in uu qaado tallaabo degdeg ah oo xoog leh, isaga oo adeegsanaya rasaas culus iyo ciidan badan gudaha Gaza.
Sidaasi waa qorshaha Israel balse Xamaas waxa ay taagan tahay awood kasta oo aad la la haydeen waa nagu isticmaasheen tanna fashilkii dhabarka aad ku ridan jirteen baad ku doonaysaan iyo la haystayaashiina oo aad dishaan
Dhinaca kale Diyaaradaha dagaalka ee Israel ayaa maanta duqeeyay laba dhisme oo guryo ah oo ku yaalla xaafadda Asqula, gudaha xaafadda Al-Zaytoun, koonfur-bari magaalada Gaza.


