Wednesday, January 14, 2026

Israel oo duqeymo ku dishay shan weriye iyo dad kale oo ku sugnaa Gaza

Ciidamada Israa’iil ayaa sii wada duqeymaha ay ku hayaan Gaza, iyagoo shan wariye ku dilay weerar lagu qaaday baabuur ay wateen oo marayay bartamaha xerada qaxootiga ee Nuseirat.

Sidoo kale Israel ayaa duqeymo ku dilay shan rayid ah oo ku sugnaa dhismo ay deggan yihiin oo ku yiillay waqooyiga magaalada Gaza,waxaana weerarkaasi dambe lagu la’yahay ugu yaraan 30 qof.

Dhakhaatiirta Gaxa ayaa sheegaya in saddex carruur ah oo joogay xero lagu soo barakacay  oo ku taal koonfurta Gaza ay u dhinteen qabowga daran ,kadib kolkii Israel ay hor-istaageen cuntada, biyaha iyo sahayda jiilaalka ee ay u baahan yihiin dadka reer Falastiin.

Milatariga Israa’iil ayaa xoojiyay duullaanka ay ku hayaan xerada qaxootiga Tulkarem ee Daanta Galbeed maalin kadib markii ay halkaas ku dileen siddeed qof.

Kooxda Xamaas ayaa Israa’iil ku eedeysay in ay keeneen shuruudo cusub oo la xiriira  wada-hadallada xabbad-joojinta ee socda,halka xafiiska ra’iisal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu isna ku eedeeyay kooxda Falastiiniyiinta in ay abuureen caqabado cusub.

Dagaalka Israa’iil ee Gaza waxaa lagu dilay ugu yaraan 45,361 falastiiniyiin ah, waxaana ku dhaawacmay 107,803 tan iyo bishii Oktoobar ee sanadkii  2023.

WARARKII KALE

Wasiirka Arrimaha Turkiga oo maanta tagaya Imaaraadka Carabta iyo xiisada Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa maanta lagu...

Dowladda Mareykanka oo sheegtay sababta aysan Soomaalida u sii joogi karin Maraykanka

Xogahayaha amniga gudaha ee Mareykanka karis Noem ayaa faahfaahin...

Wasiir Cali Balcad oo xog cusub ka bixiyay safarka qarsoon ee Muqdisho lagu keenay Caydaruus Al-Subeydi

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Cumar Balcad, ayaa sheegay...

Mareykanka oo Muwaadiniintiisa Ugu Baaqay Inay Degdeg Uga Baxaan Iiraan

Dowladda Mareykanka ayaa ugu baaqday muwaadiniinteeda ku sugan gudaha...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 13 01 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles