Tuesday, March 3, 2026

Israel oo xirtay inkabadan 240 Falastiiniyiin ah

Ciidamada Isra’il ayaa la xaqiijiyay in ay xireen in ka badan 240 oo qof oo Falastiinyiin ah oo ay ku jiraan dhaqaatiirta, agaasimayaasha iyo howlwadeennada isbitaal ku yaalla waqooyiga Gaza, kaddib marki ay weerareen Jimcihii.

Wasaaradda Caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in ay ka walaacsantahay badqabka Xusam Abu Safiya oo ah agaasimaha Isbitaalka Kamal Cudwan. Qaar ka mid ah shaqaalaha isbitaalka ay soo sii daayeen ciidamada Isra’il ayaa sheegay in ciidamada xiray agaasimaha Isbitaalka ay aad u garaaceen.

Milatariga Isra’il ayaa sheegay in isbitaalka ay Xamas u adeegsanayeen xarun ay ka duulaan. Waxay kaloo sheegeen in qaar ka mid ah dadka ay xireen ay uga shakisanyihiin in ay ka tirsan yihiin Xamas.

Xamas ayaa eedahaasy iska fogeysay isla markaana sheegtay in isbitaalka uusan joogin qof iyaga ka tirsan. War kasoo baxay Xamaas ayay Sabtidi ugu baaqeen Qaramada Midoobay iyo hey’adaha caalamiga ah in ay si deg deg ah u soo farageliyaan si loo ilaaliyo isbitaallada yar ee hadda shaqeeya ee ku yaalla waqooyiga Gaza.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Safiirka Turkiga?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan...

Shiinaha oo war ka soo saaray markab kalluumeysi oo lagu afduubtay Puntland

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga...

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

Horjoogihii qorsheeyey weerarkii godka Jilacow oo la dilay

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles