Diyaarad sidday 175 rakaab ah oo ku burburtay Kuuriyada Koonfureed

Ugu yaraan124 qof ayaa ku dhintay diyaarad rakaab ah oo ku burburtay garoon diyaaradeed oo ku yaala magaalada Muan ee dalka Kuuriyada Koonfureed, sida ay sheegtay wakaaladda dabdamiska qaranka ee dalkaasi.

Hay’adda Dab-damiska ayaa xaqiijisay in 124 qof ay dhinteen, laba qof oo shaqaala ahna la soo badbaadiyay,kadib markii la damiyay dab qabsaday diyaaraddasi oo ku burburtay wadada ay cagadhigtaan diyaaradaha ee Magaalada Muan.

Shilkaan oo dhacay Axadii ayaa yimid, iyadoo diyaarada Jeju Air oo sidday 175 rakaab ah iyo lix shaqaale ah ay ka soo duushay caasimada Thailand ee Bangkok,waxayna ku burburtay garoonka caalamiga ah ee Muan oo qiyaastii 289km koonfur galbeed kaga beegan caasimada dalka Thailand.

Wakaaladda wararka ee Kuuriyada Koonfureed (Yonhap) oo soo xiganaysa saraakiisha wakaaladda dab damiska ayaa sheegtay in ay yartahay rajada laga qabo in la helo dad kale oo badbaaday.

Diyaaraddaasi rakaabka ah ayaa la sheegay in ay ku timid cillad,kadibna iyadoo bilaa taayirro ah ay ku soo degtay garoonka,sida laga soo xigtay Kooxo goobjoogayaal ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 22 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen labada guddoon ee BFS?

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi...

Askartii Soomaaliyeed ee ku xirnaa Itoobiya oo si nabad ah ku gaaray Ceel-Barde

Askartii Soomaaliyeed ee ku xirnaa dalka Itoobiya ayaa maanta...

Puntland oo Gaalkacyo ka mamnuucday qaadashada hubka

Wareegtada ayaa lagu xusay in sharciga Nabadgelyada Guud ee...

RW Xamsa oo gaaray Jeddah iyo Sacuudiga oo garab istaag u muujiyay Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa...

Dagaalka Mooyaale oo maalintii afraad galay

Dagaal culus ayaa maalintii afraad oo xiriir ah ka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles