Janan oo Baladxaawo tagay, heshiiskii Nairobi iyo wareejinta xerada UK oo la qorsheeyay

Wararka laga helayo G/Gedo ayaa sheegaya in Cabdirashiid Janan uu tagayo degmada Baladxaawo ee Gobolka Gedo, iyadoo la sheegay in ujeeddada safarkiisu tahay dhammaystirka iyo hirgelinta heshiiskii magaalada Nairobi ku dhex maray dhinacyada siyaasadda iyo amniga.

Sida ay sheegayaan ilo xog-ogaal ah, Janan ayaa la filayaa inuu door ku yeesho qorshe la xiriira wareejinta xerada UK, oo ay ku sugan yihiin ciidamo, iyadoo guddiga loo xil-saaray kala wareegista magaalada iyo xarumaha ciidamada la sheegay inay iyaguna Baladxaawo u sii socdaan.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Cabdirashiid Janan uu diyaarin doono hubka iyo ciidamada lagu wareejinayo maamulka Jubbaland, iyadoo la sheegay in ciidamo ku sugan xerada UK la siin doono dhaqaale kooban oo mushaar ahaan loo qorsheeyay, kaas oo laga helay mid ka mid ah dalalka deriska la ah Soomaaliya

Sida ay ilo xog-ogaal ah sheegayaan, saraakiishaasi ayaa horey ciidamada u siinayay mushaar, dalacaad iyo saad, waxaana la sheegay in arrintan ay qeyb ka tahay sababta keentay in laga hor istaago safarka Abaandullaha Qeybta 43-aad ee ku sugan degmada Doolow.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qorsheyneyso isbeddel lagu sameeyo hoggaanka ciidamada Booliska iyo Nabadsugidda ee Gobolka Gedo.

Ilo xog-ogaal ah ayaa tilmaamaya in miiska ay saaran yihiin laba sarkaal oo loo xushay inay qabtaan xilalkaasi, inkastoo aan weli si rasmi ah loo shaacin magacyada saraakiisha loo qorsheeyay.

Qorshayaashan ayaa kusoo beegmaya xilli ay socdaan dadaallo lagu dhaqan-gelinayo heshiiskii Nairobi, gaar ahaan arrimaha la xiriira amniga Gobolka Gedo, ciidamada iyo maamulka Jubbaland.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 16 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Shiinaha oo digniin u diray Somaliland kadib xiriirka Taiwan

Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa si adag uga hadashay...

Mareykanka oo soo jeediyay in xafiiska Q.M ee UNSOS hal sano oo dheeraad ah lagu kordhiyo

Dowladda Mareykanka ayaa soo jeedisay in Xafiiska Taageerada Qaramada...

Fadhigii Golaha Shacabka oo maanta Baaqday

Waxaa maanta baaqday fadhiga ay yeelan lahaayeen xildhibaanada Golaha...

DFS oo sheegtay inay burburisay shabakado ka tirsan Al-Shabaab

Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya (NISA) ayaa...

Cirro oo Washington kulan kula yeeshay xubno ka tirsan Kongareeska Maraykanka iyo safiirro

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa magaalada Washington...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles