Wednesday, February 11, 2026

Jubaland oo sheegtay in aysan qayb ka ahayn kaarka aqoonsiga Qaranka ee DFS

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Jubbaland ayaa war-saxaafadeed rasmi ah oo ay soo saartay ku wargelisay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Jubbaland, in aysan jirin sharci ay oggolaatay Dowladda Jubbaland oo loo adeegsanayo xaalado siyaasadeed iyada oo aan heshiis rasmi ah laga helin dowladda.

Wasaaradda ayaa cadeysay in Jubbaland aysan aqoonsaneyn wax loogu yeero kaarka Aqoonsiga Qaranka ee aysan Dowladda Jubbaland oggolaan ama ku heshiin, isla markaana uusan lahayn sharciyad rasmi ah oo lagu meelmariyay nidaamka dowladda.

Sidoo kale, Dowladda Jubbaland waxay bulshada uga digeen inay ka qayb qaataan falal kasta oo khilaafaya shuruucda iyo qaanuunka u degsan maamulka Jubbaland. Waxay bulshada kula dardaarantay inay raacaan nidaamka sharciga ah, kana feejignaadaan wax kasta oo keeni kara fowdo ama carqalad.

War-saxaafadeedkan ayaa kusoo beegmay xilli uu jiro khilaaf siyaasadeed oo muddo soo jiitamayay oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland. Khilaafkan ayaa salka ku haya arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin: awood qeybsiga siyaasadda gudaha, maamulka doorashooyinka, iyo khilaafaadka ku saabsan qaabka loo wajahayo nidaamka federaalka.

Jubbaland ayaa dhowr jeer sheegtay in Dowladda Federaalka ay faragelin ku hayso arrimaha gudaha ee maamulka Jubbaland, halka Dowladda Federaalka ay ku eedeysay Jubbaland in aysan u hoggaansamin heshiisyadii siyaasadeed ee wadashaqeynta. Xiisaddan ayaa saameyn ku yeelatay wada shaqeynta hey’adaha dowladda iyo maamul goboleedyada, iyadoo ay jiraan dadaallo ay wadaan beesha caalamka si loo yareeyo is-mari waaga siyaasadeed.

Halkan Akhriso Warsaxaafadeedka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 10 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Deni oo isagoo wata ciidamo cusub ka soo degay Muqdisho

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta...

Axmed Madoobe oo ka soo degay Muqdisho, isagoo wata ciidan hubeysan

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa...

NISA oo xog ka bixisay Maxamed Sahal Iidle horjooge sare AS ee la dilay

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska NISA...

Diyaarad ku dhacday garoonka Muqdisho

Diyaarad kuwa rayidka ah ayaa waxaa ay ku dhacday...

Maxkamadda Ciidamada oo dil toogasho ku fulisay laba nin oo lagu helay dilka afar muwaadin

Waxaa dil toogasho lagu fuliyay Cabdi Cabdulqaadir Maxamed (oo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles