Sunday, March 1, 2026

Jubbaland iyo Puntland oo u yeertay xildhibaanada ku matala BFS

Madaxweynayaasha Siciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa wadatashi ugu yeertay xildhibaanada labada aqal ee Federaalka ku matala dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubaland.

Madaxweyne Deni ayaa kulan wadatashi ah oo la sheegay in looga hadli doono xaaladda sharci iyo siyaasadeed ee hannaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ku casumay xildhibaanada labada aqal ee Federaalka, kaas oo berri oo taariikhdu ku beegan tahay 2-da bisha Maarso ka dhacaya Garowe.

Sidoo kale Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa warqad uu u diray xildhibaanada labada aqal ku matala Jubaland ku sheegay in ay ka soo qaybgalaan kulan wadatashi ah oo looga hadlayo xaaladda siyaasadeed ee dalka, kaas oo berri ka dhacaya magaalada Kismaayo.

Qaar ka mid xildhibaanada labada aqal ku matala Puntland iyo Jubaland ayaa maanta Muqdisho ka baxay, kuwaas oo u kala safray magaalooiynka Garowe iyo Kismaayo, waxaana ku jiray mudanayaal muxaafid ahaa oo hadda ku biiray mucaaradka.

Sidoo kale madaxweyne Deni oo shalay dib ugu soo noqday xunta Puntland ee Garowe, waxaa la socday tiro xildhibaano ah oo ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka Federaalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 01 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Magacyada Saraakiishii ugu sareysay Iran ee la dilay

Tiro ka mid ah mas’uuliyiinta sarsare ee Iiraan ayaa...

Taliyaha ciidamada xoogga oo kulan la qaatay saraakiil ka socotay Talyaaniga

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), S/Guuto Ibraahim Maxamed...

Ciidamada Amniga oo qabtay nin miino ku aasi rabay Marka

Ciidamada ammaanka ee Degmada Marka ayaa gacanta ku dhigay...

Hoggaamiyihii Iran oo duqeyn lagu dilay

Ayatollah Ali Khamenei, Hoggaamiyihii Sare ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah...

Taliska NISA oo sheegay in duqeyn lagu dilay xubnihii ugu badnaa oo ka tirsan Al-shabaab

War ka soo baxay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles