Taliyaha ciidamada xoogga oo kulan la qaatay saraakiil ka socotay Talyaaniga

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kulan la yeeshay u qeybsanaha Arrimaha Difaaca ee Safaaradda Talyaaniga ee Soomaaliya Antonino Mazzocca

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iyo adkeynta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya labada ciidan.

Taliyaha XDS ayaa Dowladda Talyaaniga uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay siiso Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan dhinacyada tababarka iyo qalabaynta.

Dhankiisa, U-qeybsanaha Arrimaha Difaaca ee Safaaradda Talyaaniga, Captain (Navy) Antonino Mazzocca, ayaa caddeeyay in dowladdiisu ka go’an tahay sii wadidda taageerada iyo iskaashiga, iyadoo la tixgelinayo muhiimadda ay nabadda iyo xasilloonidu u leeyihiin Soomaaliya.

WARARKII KALE

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo soo xiray Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga Yurub

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Sacuudiga oo sheegay in weerar Xuutiyiintu ku qaadeen dalkaas khasaare ka dhashay

Hay’adda Duulista Rayidka Sacuudiga ayaa sheegtay in ugu yaraan...

Ra’iisul Wasaare Abiy: “Itoobiya kama tanaasulayso helitaanka marin badeed”

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa sheegay in dalkiisu...

Xasan Sheekh oo sheegay in Al-Shabaab aysan mar Kale Dalka gacanta ku dhigi Karin

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dagaalka...

Erdogan oo shaaciyay in Turkiga ay Soomaaliya ka bilowday Dhismaha Xarun Hawada Sare

Madaxweynaha Türkiye, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa sheegay in dalkiisa...

 Loollan Siyaasadeed iyo Dhaqdhaqaaq Ciidan oo Markale ka bilowday Beled-Xaawo

Loollan siyaasadeed iyo dhaqdhaqaaq ciidan oo u dhexeeya Dowladda...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles