Jubbaland oo hoos u dhigtay Maqaamka MW Xasan Sheekh

Maamulka Jubbaland ayaa hoos u dhigay maqaamka iyo magaca Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Qoraal ka soo baxay madaxtooyada ayaa u qornaa sidan:-.

“Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta garoonka Diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdille Xasan ka sagootiyay wafdigii ka socday Dowladda Federaalka ah ee shalay booqashada ku yimid Jubaland.

 

Dowladda Jubaland mar walba waxay caddeynaysaa inay ka go’an tahay in kala aragti duwanaanta lagu xaliyo wada hadal iyo in loo midoobo ajandayaasha waaweyn ee dalkeenna u yaalla, iyadoo lagu heshiiyay in wada hadalladu sii socdaan isla markaana dib loogu kulmo fadhiyo kale si xal waara loo gaaro.

Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa uga mahadceliyay shacabka Jubaland niyadsamida ay muujiyeen iyo sida ay uga go’an tahay ilaalinta mabaadi’da iyo qadiyadahooda gaarka ah.

Sidoo kale, Dowladda Jubaland waxay uga mahadcelinaysaa Dowladda Kenya dadaallada ay ku bixinayso sidii loo soo afjari lahaa kala aragti duwanaanta jirta iyo xalinta khilaafaadka Soomaaliya”.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Markab shidaal oo marayay Hormuz ayaa la weeraray

Ururka arrimaha badaha ee UK ee loo ayqaan UKMTO...

Fiqi oo la kulmay wafdi ka socda saraakiil Turkiga ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Puntland oo qabatay gaadiid iyo ciidan ka tirsan DF oo galay waqooyiga Gaalkacyo

Maamulka Puntland ayaa saaka kantaroolka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo...

KGS oo mamnuucay soo gelinta iyo ka ganacsiga qaadka sharci-darrada ah ee Baydhabo

Maamulka Koofur Galbeed ayaa soo saaray go’aan lagu mamnuucayo...

Maamulka Puntland oo bilaabay laba howlgal oo ka socda buuraha Calmadow iyo xeebaha

Maamulka Puntland ayaa bilaabay laba howlgal oo dhinacyada dhulka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles