War ka soo baxay maamulka Jubbaland ayaa lagu sheegay in hoobiyaal ay adeegsadeen ciidanka Dowladda ee ku sugan xerada UK ee magaalada Beledxaawo, islamarkaana ay waxyeelo gaarsiiyeen dad rayid ah.
“Dowladda Jubaland waxay si adag u cambaareyneysaa weerarka hoobiyeyaasha ah ee maanta lagu qaaday magaalada Beledxaawo ee Gobolka Gedo, waxaana falkan fuliyay ciidamo ku sugan Xerada UK ee duleedka Magaalada, kuwaas oo uu eedaysane Xasan Sheekh Maxamuud u adeegsanayo xasuuqa iyo barakicinta dadka
shacabka ah.” Ayaa lagu yiri qoraalka.
Sidoo kale waxaa intaasi lagu daray “Weerarku oo loo adeegsaday hoobiyayaal laga soo tuuray xerada Uk, wuxuu sitoos ah ugu dhacay shacabka aan waxba galabsan, taas oo caddeyn u ah qorshe gardarro ah oo si ula kac ah loogu beegsanayo dadka rayidka ah.”



