Jubbaland oo soo bandhigtay ciidamo cusub iyo xiisad ka taagan Gedo

Maamulka Jubbaland ayaa soo bandhigay ciidamo cusub oo tababar dhammeystay, kuwaas oo lagu soo bandhigay duleedka magaalada Beled-Xaawo, xilli halkaasi ay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Ciidamadan ayaa watay gaadiid dagaal iyo hub kala duwan, taas oo muujinaysa heerka diyaar-garow militari ee ay gaareen. Saraakiisha Jubbaland ayaa sheegay in ciidamadan loo diyaariyay howlgal gaar ah oo la xiriira dib u qabsashada Beled-Xaawo.

Degmada Beled-Xaawo ayaa waxaa horey ugu sugnaa ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo bilo ka hor halkaas ay ka dhaceen dagaallo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland.

Gobolka Gedo ayaa haatan u muuqda mid martigelinaya xiisad iyo iska hor imaad u dhexeeya dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud iyo maamulka Jubbaland.

Bandhiggan ciidamada ayaa ku soo aadaya xilli ay jirto xiisad amni iyo mid siyaasadeed oo ka taagan gobolka, gaar ahaan Beled-Xaawo oo horey ay ula wareegeen ciidamada dowladda Federaalka.

Khilaafka u dhexeeya dowladda Federaalka iyo Jubbaland ayaa muddo soo jiitamayay, gaar ahaan arrimaha maamulka gobolka Gedo iyo cidda gacanta ku heysa.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 11 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo war ka soo saartay xiisada ka taagan Muqdisho

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska NISA...

Himilo Qaran oo Xasan Sheekh uga digay weerar ka dhan ah xarumaha mucaaradka

Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee...

Ciidamo cusub oo Tababar loogu soo xiray Galgaduud

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Cumar...

Imaaraadka carabta oo lagu eedeeyay duqeyn dishay hal qoys ah oo shacab ah

Warbixin baaritaan ah oo ay daabacday warbaahinta Mareykanka ee...

Mareykanka oo ka digay halista Xuutiyiinta iyo qorshahooda Soomaaliya

Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa walaac ka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles