Sunday, January 25, 2026

Kenya oo ka hadashay dagaal ay Al-shabaab ku qaadeen xero ciidan oo ku taala Gaarisa

Ciidamada ammaanka Kenya ayaa war ka soo saaray weerar ay Al-Shabaab ku qaadeen xero ku taalla deegaanka Faafi ee magaalada Gaarisa oo ay ku dhinteen lix askari oo ka tirsan ciidamada keydka ee Booliska.

Booliska Kenya ayaa sheegay in ay hayaan meydadka labo ka mid ah raggii weerarka soo qaaday, islamarkaana ay ku raadjoogaan kooxda weerarka ku qaaday Magaalada Gaarisa.

Wareyska The Star ayaa sheegay in maleeshiyaadka Al-shabaab ay la baxsadeen dhaawaca xubno badan oo ka tirsan kooxda, waxaana la sheegay in maleeshiyaadka ay dad ka afduubteen goobta la weeraray, islamarkaana ay la soo aadeen dhanka Soomaaliya.

Waxaa la tuhunsan yahay in kooxihii weerarka qaaday ay xerada u dhaceen oo ay la baxsadeen hub aan tiradooda la sheegin.

Waxaa jirta cabsi laga qabo weeraro kale, kadib markii la arkay dagaalamayaal abaabulan oo u sii socda dhanka Kenya.

Afhayeenka Adeegga Booliska Qaranka Michael Muchiri ayaa sheegay in ay xoojinayaan dadaallada wax looga qabanayo khatarta joogtada ah.

“Ciidan badan ayaa la geeyay si ay uga hortagaan cadowga,” ayuu yiri.

Ciidamada ammaanka Kenya heegan Buuxa la geliyay, si ay ugu hortagaan weerar ay Al-shabaab ka geystaan Magaalooyinka dalka Kenya.

WARARKII KALE

RW Xamsa oo kulan la qaatay wafdi ka socday Turkiga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa...

Deni oo kulan la qaatay Taliyeyaasha ciidamada Mareykanka iyo Ingiriiska

Madaxweynaha Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan la...

Baarlamaanka Carabta oo markale garab istaag u muujiyay Yemen iyo Soomaaliya

Baarlamaanka Carabta ayaa ku dhawaaqay inuu qaadayo tallaabooyin siyaasadeed...

Somaliland oo aqbashay in deegaanada la keeno Malleeshiyo hubeysan iyo qoyskooda oo la shaqeyn jiray ISRL

Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in Somaliland ay ogolaatay in...

Puntland oo shaacisay tirada Ciidamada DFS ee ku sugan Deegaannadeeda

Puntland ayaa markii ugu horreysay shaacisay tirada ciidamada Dowladda...

Ilhan Cumar oo si adag ugu hadashay dil ay geysteen ICE

Xaaladda Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ayaa ka sii...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles