Wednesday, March 18, 2026

Koofur Galbeed oo difaacday go’aanka xiriirka ay u jartay Dowladda Federaalka

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Dowladda Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in go’aankii ay maamulkaasi xiriirka ugu jareen Dowladda Federaalka Soomaaliya uu yahay mid sharciyeysan oo waafaqsan dastuurka dalka iyo kan dowlad goboleedka.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in go’aankaasi uu salka ku hayo ilaalinta madax-bannaanida dastuuriga ah ee Koonfur Galbeed, iyo xaqa ay u leedahay inay si xor ah u maamusho arrimaheeda gudaha.

Wasaaradda ayaa sidoo kale adkaysay in tallaabadan aysan ka hor imaanayn midnimada Soomaaliya, balse ay tahay mid lagu xoojinayo ku dhaqanka sharciga, ilaalinta nidaamka federaalka, iyo dib u soo celinta wadashaqeyn ku dhisan ixtiraam iyo sharci.

Ugu dambeyn, maamulka Koonfur Galbeed ayaa muujiyay inay weli ka go’an tahay ilaalinta nidaamka dowladnimo iyo wada shaqeyn ku dhisan dastuurka iyo qawaaniinta dalka.

WARARKII KALE

Farmaajo oo garab istaag u muujiyay Lafta gareen

Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa muujiyey...

MW Lafta gareen oo iska casilay xilka guddoomiye ku xigeenka JSP

Madaxweynaha Koofur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa...

Wasiirro ka Tirsan KGS oo loo diiday Safar ay ku tagi lahaayeen Baydhabo

Waxaa maanta cirka isku shareertay xiisad siyaasadeed oo u...

DFS oo war ka soo saartay go’aanka ay KGS xiriirka ugu jartay

Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa si adag u cambaaraysay...

Markab shidaal oo Ruush ah oo sharciyeysan oo maraya Badda Mediterranean-ka

Markab shidaal oo Ruush ah oo sharciyeysan, kuna raran...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles