Monday, January 12, 2026

Koofur Kuuriya oo diiday Faragelin lagu sameeyo Arrimaha Gudaha Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee  Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta kulan fogaan-arag ah la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Koonfur Kuuriya, Mudane Dr. Cho Hyun.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Koonfur Kuuriya, iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyo kala duwan leh.

Labada wasiir ayaa sidoo kale ka wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin joogitaanka ciidamada badda ee Koonfur Kuuriya ee Gacanka Cadmeed, iyo xaaladaha guud ee gobolka iyo kuwa caalamiga ah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Koonfur Kuuriya ayaa mar kale adkeeyay ixtiraamka buuxa ee dalkiisa uu u hayo madaxbannaanida, midnimada dhuleed iyo qaranimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyay ka go’naanshaha Koonfur Kuuriya ee sharciga caalamiga ah iyo mabda’a faragelin la’aanta arrimaha gudaha ee dalalka kale.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xoojinayso xiriirrada diblomaasiyadeed ee ay la leedahay saaxiibada caalamka, isla markaana ay ku difaacayso qaranimada iyo midnimada dalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 12 01 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo baabi’isay heshiiskii ay kula jirtay dowladda Imaaraatka Carabta

Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyaga oo ku shaqeynaya...

War-Saxaafadeed Wadajir ah Shiinaha iyo Soomaaliya

Wasiirka arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Axmed Madoobe oo la kulmay wafdi ka socday Q.M

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku...

Galmudug, Hirshabelle, Koofur Galbeed iyo Waqooyi Bari oo ku dhawaaqay inay joojiyeen Wadashaqeynta Wasaaradda Awqaafta DFS

Wasaaradaha Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Dowlad-goboleedyada Galmudug, Hirshabelle,...

Golaha Shacabka BFS oo ansixiyay Axdiga Xakameynta Tubaakada

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta si...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles