Golaha Shacabka BFS oo ansixiyay Axdiga Xakameynta Tubaakada

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta si aqlabiyad leh u ansixiyay Axdiga Xakameynta Tubaakada, kaddib kulan rasmi ah oo ka dhacay xarunta Golaha Shacabka.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka, Abshiroow, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay natiijada ansixinta, kaddib markii xildhibaanadu ku meel mariyeen cod gacan taag ah, taas oo muujisay taageero ballaaran oo loo hayo axdigan.

Ansixinta Axdigan ayaa lagu tilmaamay mid taariikhi ah, islamarkaana la filayo inay door weyn ka qaadato xakameynta isticmaalka tubaakada, yareynta khataraha caafimaad ee ka dhasha, iyo dardargelinta dadaallada lagu ilaalinayo caafimaadka bulshada guud ahaan dalka.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan, ayaa si weyn u soo dhaweeyay ansixinta, isaga oo u mahadceliyay Xildhibaanada Golaha Shacabka dadaalka ay muujiyeen.

Wasiirka ayaa sheegay“Axdigaan waxa uu ka hadlayaa nooc kasta oo tubaako ah oo siyaabo kala duwan dadka u saameeya, kuwa la cabo iyo kuwa danka laga qaato labadaba, wuxuuna muhiim u yahay badbaadinta caafimaadka bulshada Soomaaliyeed.”

Dr. Cali Xaaji ayaa xusay in ansixinta Axdiga Xakameynta Tubaakada ay Soomaaliya u horseedi doonto nidaam sharciyeed oo adag, isla markaana la jaanqaadaya heshiisyada caalamiga ah ee lagula dagaallamayo dhibaatooyinka caafimaad ee ka dhasha tubaakada.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa inay qaaddo tallaabooyin dheeraad ah oo lagu dhaqan-gelinayo axdigan, si loo xaqiijiyo bulsho caafimaad qabta, loogana hortago khataraha mustaqbalka ka dhalan kara isticmaalka tubaakada.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Markab shidaal oo marayay Hormuz ayaa la weeraray

Ururka arrimaha badaha ee UK ee loo ayqaan UKMTO...

Fiqi oo la kulmay wafdi ka socda saraakiil Turkiga ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Puntland oo qabatay gaadiid iyo ciidan ka tirsan DF oo galay waqooyiga Gaalkacyo

Maamulka Puntland ayaa saaka kantaroolka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo...

KGS oo mamnuucay soo gelinta iyo ka ganacsiga qaadka sharci-darrada ah ee Baydhabo

Maamulka Koofur Galbeed ayaa soo saaray go’aan lagu mamnuucayo...

Maamulka Puntland oo bilaabay laba howlgal oo ka socda buuraha Calmadow iyo xeebaha

Maamulka Puntland ayaa bilaabay laba howlgal oo dhinacyada dhulka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles