MW Xasan Sheekh oo lagu casuumay shir ka dhacay Shiinaha

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu wadaa inuu booqasho rasmi ah ku tago dalka Shiinaha, kaddib casuumaad uu ka helay dowladda Shiinaha, sida uu shaaciyay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Shiinaha, Wang Yi.

Casuumaaddan ayaa timid xilli Wasiir Wang Yi uu ka baaqday safar horay loo filayay inuu ku yimaado magaalada Muqdisho, hase yeeshee uu si cad u muujiyay mowqifka adag ee Shiinaha ee ku aaddan taageerada midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay Shiinaha ka qeybgeli doona Shirka Shiinaha iyo Dalalka Carabta, halkaas oo la filayo inuu kulamo gaar ah la yeesho madaxda ugu sarreysa dalkaasi, kuwaas oo diiradda lagu saari doono xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga istiraatiijiga ah.

Dowladda Shiinaha ayaa mar kale xaqiijisay inay si buuxda u taageersan tahay midnimada dhuleed ee Soomaaliya, iyadoo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Shiinaha, Wang Yi, uu ballanqaaday in la xoojin doono iskaashiga dhanka difaaca, amniga iyo arrimaha siyaasadda.

Sidoo kale, Dowladda Soomaaliya ayaa lagu qanciyay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping, ay si rasmi ah isku arki doonaan inta lagu guda jiro shirka sare ee Shiinaha iyo Dalalka Carabta, kaas oo dhawaan ka dhacaya dalka Shiinaha.

Arrimahan ayaa lagu xaqiijiyay wada-hadal telefon oo Axaddii dhexmaray Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Shiinaha, Wang Yi, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cabdisalaam Dhaay, iyadoo labada dhinac ay adkeeyeen muhiimadda ay leedahay sii xoojinta xiriirka labada dal.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa fursaddan u arkaya mid muhiim u ah dib-u-xoojinta xiriirka istiraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Shiinaha, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, amniga, iyo horumarinta nolosha dadka Soomaaliyeed.

Dhanka kale, labada mas’uul ayaa sidoo kale ka wada hadlay doorka Shiinaha ee taageerada Soomaaliya ee ilaalinta midnimada dhuleed iyo ka shaqeynta nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika, taas oo muujinaysa xiriirka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya labada dowladood.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 15 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

IGAD oo maanta Jabuuti ka furaysa shir looga hadlayo nabadda iyo amniga Geeska Afrika

Shir aan caadi ahayn oo ay yeelanayaan Golaha Wasiirrada...

Trump oo Danjirayaal Cusub u Magacaabay Soomaaliya, Jabuuti iyo Sacuudiga 

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa 14-kii Sebtembar 2026 u...

Cirro oo DF ku eedeeyay in ay dadka Kala qeybisay iyo arrimo xasaasi ah uu ka hadlay

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa sheegay in...

Duqeyn culus oo xalay ka dhacday duleedka Baydhabo

Duqeyn culus ayaa xalay ka dhacday deegaanka Ceel-Muud, oo...

Meleeshiyaad hubeysan oo dad rayid ah laayay iyo faahfaahin ka soo baxaysa

Ugu yaraan 15 qof ayaa lagu dilay weerarro ay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles