Wednesday, March 4, 2026

Koox hubeysan oo dad shacab ah ku dilay Garoowe

Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa sheegaya in xalay uu weerar hubeysan ka dhacay gudaha Hotel Baashi, oo ku yaalla agagaarka Masjidka Saxaaba ee bartamaha magaaladaasi.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in koox  hubeysan oo aan weli la aqoonsan ay toogasho ku dileen laba qof, mid kamid ahna la rumeysan yahay inuu ahaa waardiye ka shaqeeya hotelka.

Ciidamada ammaanka ee booliska Puntland ayaa si degdeg ah u tegay goobta, waxaana la xiray waddooyinka soo gala aagga uu hotelku ku yaal.

Wararka ayaa intaasi ku daraya  sheegaya in kooxda ay ka baxsadeen goobta kahor intii aan la gaarin.

Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarka, balse falalka noocan oo kale ah ayaa marar hore ka dhacay magaalada, inkasta oo Garoowe caadi ahaan lagu yaqaanay inay tahay meel amni ahaan deggan marka la barbar dhigo magaalooyinka kale ee dalka.

Hotel Baashi ayaa kamid ah goobaha ay si joogto ah ugu hoydaan dadka safarka ah iyo ganacsatada, waxaana weerarkani abuuray cabsi cusub oo ku saabsan sugnaanta ammaanka gudaha magaalada.

WARARKII KALE

RW Ku-xigeenka XFS oo Kulan Miro-Dhal ah Layeeshay Duqda Muqdisho

Raysal Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saalax...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Safiirka Turkiga?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan...

Shiinaha oo war ka soo saaray markab kalluumeysi oo lagu afduubtay Puntland

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga...

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles