Raysal wasaaraha Australia Albanese oo mar kale ku guuleystay doorashada dalkaas

Anthony Albanese oo ka tirsan xisbiga Labour-ka ayaa mar kale si aqlabiyad leh loogu doortay ra’iisul wasaaraha Australia.

Tirinta codadka rasmiga ah ma dhammaan doonto maalmo, laakiin xukuumadda bidix-dhexe ee Albanese ayaa si weyn u kordhin doonta aqlabiyaddeeda ka dib markii xisbiga Conservative-ka ee Liberal-National ay la kulmeen guuldarro weyn oo waddanka oo dhan ah.

“Maanta, dadka Australiyaanka ah waxay u codeeyeen qiyamka Australiya: caddaalad, hammi iyo fursad dhammaan; xoogga lagu muujiyo geesinimada dhibaatada iyo naxariista kuwa u baahan,” Albanese ayaa yiri.

Hoggaamiyaha isbahaysiga Peter Dutton, oo lumiyay kursigiisii muddo 24 sano uu ku fadhiyay, ayaa sheegay in uu aqbalay “mas’uuliyadda buuxda” ee khasaarihii xisbigiisa, wuxuuna raaligelin siiyay xildhibaanadiisa.

Albanese wuxuu noqday ra’iisul wasaarihii ugu horreeyay ee ku guulaysta doorashooyin isdaba-joog ah in ka badan 20 sano.

Guusha xisbiga waxa kale oo ay keentay in codbixiyayaashu ay ka tanaasulaan labada xisbi ee waaweyn, taas oo ahayd sheekadii ugu waynayd ee doorashadii u dambaysay ee 2022-ka.

WARARKII KALE

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles