Kulan dhex maray SoDMA iyo Hay’adda Qaramada Midoobay

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka, Md. Maxamuud Macallin Cabdulle iyo ku xigeenka ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Md. George Conway ayaa wadajir u shir guddoomiyay kulan dhex maray Hay’adda SoDMA iyo qaar ka mid ah Hay’adaha QM ee ka howlgala Soomaaliya, sida; WFP, FAO, UNICEF, IOM, UNFPA, UN Women, UNHCR, UNDP iyo UNOCHA.

Kulanka oo ka dhacay xafiiska Isu-duwaha Arrimaha Gargaarka Bani’aadannimo ee Soomaaliya ayaa looga hadlay is-waafajinta qorshayaasha hay’adaha kala duwan ee ka shaqeeya arrimaha bani’aadannimada iyo sidii kor loogu qaadi lahaa tayada barnaamijyada lagu dhisayo adkaysiga bulshada iyo awoodaha hay’adaha ka shaqeeya arrimaha maareynta musiibooyinka.

Dhinacyada ayaa isku raacay xoojinta wada shaqeynta iyo in la dhiirrigaliyo dhaqan-galka qorshayaasha ku aaddan hormarinta karaanka iyo aqoonta Hay’adaha dowlaadda, si ay isku filnaansho iyo awood dhammeystiran u gaaraan.

Ugu dambeyn; shirka waxaa lagu heshiiyay in uu noqdo mid la qabto afartii biloodba mar si loo xaqiijiyo isu-duwid dhammeystiran iyo wada shaqeyn ka dhaxaysa hay’adaha kala duwan ee ku lugta leh howl-gallada arrimaha bani’aadannimo ee dalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 07 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Kulanka Golaha Shacabka oo kooram la’aan u baaqday

Kulankii maanta ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya...

Guddoomiyaha Doolow“Aniga kama qayb qaadanayo xasaradda Gedo”

Guddoomiyaha degmada Doolow lafey ayaa sheegay inuusan ka qayb...

Badmaax u dhashay Indonesia oo dalkooda ku laabtay

Afar badmaax oo u dhashay Indonesia ayaa maanta dib...

Itoobiya oo MW Xasan Sheekh ku eedeysay “khiyaano”

Wakaaladda Wararka Itoobiya ee ENA ayaa maqaal dheer oo...

Diyaar garowga Shirka 2-aad ee Guddiga Wadajirka Joogtada ah ee Dowladaha Soomaaliya iyo Uganda oo ka socda Muqdisho

Dowladda Soomaaliya ayaa Dardar gelinaysa Diyaargarowga Shirka 2-aad ee...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles