Kulankii maanta ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa u baaqday kooram la’aan, kadib markii ay kulanka ka maqnaadeen xildhibaano dhowr ah.
Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka, Cabdullaahi Abshirow, ayaa sheegay in tallaabo laga qaadi doono xildhibaanada si aan fasax rasmi ah u haysan uga maqnaada fadhiyada Baarlamaanka, isagoo xusay in gunnada laga jari doono xildhibaanada maqnaada.
Waxaa liiska xildhibaanada ka maqnaa kulanka lagu sheegay Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame (CCW), Cabdirashiid Maxamed Xidig Cabdul qaadir Cosoble, Cali Xoosh iyo xildhibaano kale.
Guddoomiye ku-xigeenka ayaa sidoo kale sheegay in bishan qaar ka mid ah xildhibaanada gunnadooda laga jaray, isagoo adkeeyay in aan la aqbali doonin maqnaanshaha fadhiyada Golaha Shacabka iyadoo aan fasax la haysan.


