labo qof ayaa la rumeysan yahay in ay geeriyooday saddax kalene ay ku dhaawacmeen gaari la jiirsiiyay dad badan kaddibna uu nin tooreeyay ku weeraray dad joogay macbad Yahuudu leedahay.
Booliska ayaa laga soo wacay macbadka Yahuuda ee ku yaal magaalada Manchester. Dadka ayaa isugu yimid maalinta ugu muhiimsaneyd diinta Yahauuda oo la xusayay maanta.
Booliska waxay ku dhawaaqeen ‘PLATO’ oo ah eray ay adeegsadaan marka ay ka jawaabayaan weerar argagixiso.
Muuqaal lagu wadaagay baraha bulshada ayaa lagu arkayay saraakiil hubeysan oo qori ku taagaya nin dhulka yaal iyo qof dadweynaha ka mid ah oo qeylinayay. “Qof kasta dib ha u baxo, waxa uu haystaa bam”.
Qofka dhulka yaalay ayaa u muuqday in uu doonayay in uu istaago kaddibna xabad ayaa bilaabatay. Qof kale ayaa dhulka yaalay oo aan laheyn wax dhaqdhaaq ah.


