Friday, July 10, 2026

Shirkii Nairobi: Isbaheysi cusub oo siyaasadeed oo ka dhashay

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa maanta shir ku yeeshay Madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland, Axmed Maxamed Islaam iyo Siciid Cabdullaahi Deni, iyo sidoo kale xubno ka socday Madasha Samatabixinta Soomaaliya oo ay ku jiraan Raysal Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre, Raysal Wasaarihii hore Saacid Shirdoon iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

 

Shirka ayaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha siyaasadda iyo amniga. Waxaa si gaar ah diiradda loo saaray sidii loo heli lahaa mustaqbal siyaasadeed oo xasiloon, amni sugan iyo horumar dhaqaale.

 Kulanka ayaa lagu go’aamiyay 

1. In la dhiso Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ay ku mideysan yihiin Madasha Samatabixinta iyo dowlad-goboleedyada Jubaland iyo Puntland. 

2. In si dhaqso ah shir looga qabto gudaha Soomaaliya si looga arrinsado loona gaaro go’aanno ku saabsan xaaladda kala-guurka siyaasadeed ee dalka. 

3. In shirarka soo socda lagu dhammeystiro dhismaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliya.

4. In shacabka Soomaaliyeed loogu baaqo midnimo iyo wadajir, si ay uga hortagaan cid kasta oo dhaawacaysa wadajirkooda, loogana shaqeeyo xasilloonida iyo horumarka dalka.

5. In Dowladda Kenya loogu mahadceliyo dadaalka ay ku bixiso taageerada Soomaaliya, gaar ahaan sidii loo heli lahaa xasillooni iyo horumar.

Heshiiskan uu Nairobi ka soo baxay ayaa culeys siyaasadeed oo muuqda ku ah Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Dowladda Federaalka, maadaama uu muujinayo in hoggaamiyeyaasha Jubaland iyo Puntland, oo ay wehliyaan siyaasiyiin mucaarad ah, ay isku raaceen dhismaha gole cusub oo siyaasadeed oo ka madax-bannaan Villa Soomaaliya.

Tallaabadani waxay noqon kartaa mid sii adkeysa khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo maamulada, iyadoo sidoo kale cadaadis cusub saaraysa Madaxweyne Xasan Sheekh si uu u muujiyo hoggaan mideeya dalka oo dhan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 10 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wasiirka Isgaarsiinta oo Geneva kaga qaybgalay shir looga hadlayo horumarinta Dhijitaalka

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Soomaaliya iyo Mauritania oo kala saxiixday heshiisyo Muhiim ah

Wasiir-Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

M/weyne Xasan Shiikh oo ka qeybgalaya tababar loo soo xiray saraakiil cusub

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Kuuriyada Waqooyi oo xoojinaysa nukliyeerkeeda iyo ciidamadeeda

Warbaahinta dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay in dalkaasi uu...

Toogasho ka dhacday meel u dhow goobta lagu aasay hoggaamiyihii hore ee Iiraan

Sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles