Wednesday, July 30, 2025

Lafta gareen oo kulamo siyaasadeed ka bilaabay Muqdisho

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa kulan muhiim ah Magaalada Muqdisho kula yeeshay Ku-Xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mudane Raisedon Zenenga.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray Arrimo dhowr ah oo muhiim u ah mustaqbalka Gobolka, waxaana ka mid ahaa: Amniga, Siyaasadda, iyo Mashaariicda Horumarineed ee ka socda guud ahaan Deeganada Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha iyo ku xigeenka Ergeyga Qaramada Midoobay ayaa iska xog-waraystay xaaladda Amni ee Deegaanada Koonfur Galbeed, Taageerada ay u baahan yihiin Bulshada iyo dadaallada socda ee lagu Daadejinayo Adeegyada Dowladda.

Sidoo kale, waxaa kulanka lagu falanqeeyay xoojinta wadashaqeynta u dhaxeysa Dowladda Koonfur Galbeed iyo Hay’adaha Qaramada Midoobay, si loo dardargeliyo mashaariicda Horumarineed iyo adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada.

 

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 29/07/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil iyo Madaxweyne Putin oo ka wada-hadlay arrimaha Iran

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa la hadlay madaxweynaha...

Shir madaxeed arrin muhiim ah looga hadlayo oo maanta ka furmay Muqdisho

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Mudane Xildhibaan Biixi Imaan Cige, ayaa...

Xaalada Beledxaawo oo saaka degan, iyo Barakac hor leh oo socda

Magaalada Balad-Xaawo ee gobolka Gedo ayaa saaka ku waabariisatay...

Togasho ka dhacday Mareykanka

Nin hubeysan ayaa magaalada New York ee dalka Mareykanka...

Ciidanka Puntland oo gacanta ku dhigay gaari sahay u siday Daacish iyo raggii waday

Ciidamada ammaanka Puntland ayaa howlgal qorsheysan ku qabtay gaari...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles