Tuesday, March 17, 2026

Lafta gareen oo tagay Baydhabo xilli uu khilaaf kala dhexeeyo DFS

Sida ay sheegayaan wararka Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed laftagareen ayaa galabta gaaray magaalada Baydhabo waxaana la sheegay in Diyaarad gaar ah ay ka soo qaaday dalka Itoobiya.

Wararka ayaa sheegaya in diyaarad ciidan ay Lafta gareen ka soo qaaday deegaanka Godey, sida ay sheegayaan ilo wareedyo ku sugan magaalada Baydhabo.

Saacadihii ugu dambeeyay ayaa waxaa lagu wareersanaa halka uu ku sugan yahay madaxweyne laftagareen kadib markii khilaaf culus uu soo kala dhax galay maamulkiisa iyo Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Lafta gareen ayaa aad u qariyay xogta safarkiisa uu ka soo billaabay dalka Sacuufiga, Itoobiya ilaa iyo magaalada Baydhabo.

Lafta gareen ayaa lagu wadaa inuu beri warbaahinta la hadlo, isagoo caawa kulamo la qaadan doono guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Koofur Galbeed iyo golaha wasiirada ee maamulkiisa.

Maamulka koofur Galbeed ayaa maanta sheegtay in ay hakisay wadashaqeyntii kala dhaxeysay Dowlada fedaraalka waxaana ay u jeedisay Dowlada eedo badan.

Lama oga tallaabada xigta uu qaadi doono madaxwaynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Lafta gareen, balse waxaa ay xogta sheegaysaa inuu isku diyaarin doono qabashada doorasho dadban.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Xildhibaanada ka soo horjeeda Lafta gareen oo fariin adag u diray DFS

Xildhibaano ka tirsan BFS ee laga soo doortay deegaanada...

Koofur Galbeed oo xariirka u jartay Dowladda Soomaaliya

Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa goordhaw ku dhawaaqay inuu...

Tahriibayaal ay ku jiraan Soomaali oo laba maalmood ku xayirnaa badda oo la badbaadiyay

Markab samatabbixin ah oo lagu magacaabo Aita Mari, lagana...

Trump oo weerar afka ah ku qaaday Soomaalida

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa mar kale hadallo...

Wasiir Fiqi oo weerar afka ah ku qaaday Mahad Karatey

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa weerar afka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles