Tuesday, March 3, 2026

Lataliyaha cusub ee Amniga Qaranka oo la magacaabay

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Mukhtaar Jayte si ku-meel-gaar ah loogu magacaabay xilka Lataliyaha Amniga Qaranka, kaddib markii uu dhowaan xilkaasi iska casilay Xuseen Macallin.

Magacaabistan ayaa timid iyadoo loo baahnaa buuxinta booska, xilli uu dalku wajahayo duruufo amni iyo mid siyaasadeed. Mukhtaar Jayte waxa uu horey u ahaa Lataliyaha Amniga ee Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Mr. Jayte ayaa maanta bilaabay waajibaadkiisa cusub, isaga oo la yeeshay kulankiisii ugu horreeyay ee shaqo shaqaalaha Xafiiska Amniga Qaranka ee Madaxtooyada. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta howlaha xafiiska, dib-u-eegista qorsheyaasha amniga qaranka, iyo hagaajinta wadashaqeynta hay’adaha amniga.

Lataliyaha Cusub ee Amniga Qaranka Mukhtaar Jayte oo deegaan ahaan kasoo jeeda Puntland waxa uu hore usoo noqday Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Puntland PISA.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 02 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wadahadal la yeeshay Amiirka Qatar iyo Boqorka Urdun

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay James Swan

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya  Sheekh Aadan Maxamed...

Howlgal ka dhacay G/Sh/Hoose oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsanaa Al-shabaab

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Ciidanka Midowga Afrika...

Dagaalka Bariga Dhexe oo sii xoogeystay maalintii 3-aad

Dagaalka u dhexeeya United States, Israel iyo Iran ayaa...

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo cambaareeyay go’aankii lagu celiyay xildhibaanno u safrayay

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si adag u cambaareeyay go’aankii...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles