Wednesday, April 15, 2026

Maamulka Gobolka Banaadir oo amar ku bixiyay in la isticmaalo Shilin Soomaaliga

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Xassan Maxamed Xuseen Muungaab, ayaa amar ku bixiyay in si buuxda loo adeegsado lacagta shilin Soomaaliga, kaddib cabashooyin isa soo tarayay oo ku saabsan diidmada lacagtaas ee suuqyada caasimadda.

Go’aankan ayaa yimid kaddib kulan degdeg ah oo uu guddoomiyuhu la yeeshay qaybaha kala duwan ee ganacsatada ku sugan Muqdisho, oo ay ku jireen sarif-layaal, tafaariiqleyda, ganacsatada khudaarta iyo hilibka, gaadiidleyda, iyo wakiillo ka socday rugaha ganacsiga heer gobol iyo heer qaran.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray saameynta ay leedahay diidmada shilin Soomaaliga iyo sababaha ka dambeeya, iyadoo ganacsatadu ay soo bandhigeen cabashooyin la xiriira caqabadaha dhaqaale ee arrintan ka dhashay.

Guddoomiyaha ayaa caddeeyay in aan la aqbali karin in la diido lacagta shilin Soomaaliga, isaga oo ku tilmaamay shilin Soomaaliga inuu yahay astaan muhiim u ah jiritaanka iyo dhaqdhaqaaqa dhaqaale ee dalka.

“Ma ahan suurtagal in la diido adeegsiga shilin Soomaaliga,” ayuu yiri, isaga oo intaa ku daray in ilaalinta lacagta qaranku ay tahay waajib dastuuriga ah iyo mid damiir ku dhisan.

Wuxuu sidoo kale amar ku bixiyay in dhammaan canshuuraha maxalliga ah lagu bixiyo shilin Soomaali, halka sariflayaashana lagu waajibiyay inay aqbalaan sarifka lacagtaas, isagoo uga digay tallaabo sharci ah cid kasta oo diidda.

Duqa magaalada ayaa ganacsatada ugu baaqay inay si degdeg ah u joojiyaan diidmada shilin Soomaaliga, isaga oo ballan qaaday in maamulka gobolka Banaadir uu fududeyn doono caqabadaha ay la kulmaan ganacsatada.

Dhankooda, ganacsatada ayaa soo dhaweeyay kulanka, iyagoo muujiyay sida ay uga xun yihiin dhibaatooyinka bulshada ka soo gaaray diidmada lacagta, isla markaana ballan qaaday inay xoojinayaan adeegsigeeda.

Go’aankaan kasoo baxay maamulka gobolka Baanadir, ayaa yimid, kaddib markii maalmihii ugu dambeeyay Muqdisho laga diiday isticmaalka lacagta shilinka Soomaaliga.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 15 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iiraan oo war ka soo saartay arrimo ku saabsan wadahadallo kale oo dhexmara iyaga iyo Maraykanka

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran Esmail Baghaei ayaa...

Hawlgal lagu laayey maleeshiyaad ka tirsanaa Al-shabaab oo ka dhacay Hiiraan iyo Baay

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidanka Qaranka oo kaashanaya...

Askar ku geeriyooday iska horimaad ka dhacay Gaalkacyo

Warar laga helayo magaalada Galkayo ayaa sheegaya in ugu...

Golaha Mustaqbal Soomaaliyeed oo ka digay muddo kororsi uu sameysto MW Xasan Sheekh

War qoraal ah oo ka  baxay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed...

Tahriibiyeyaal geeriyooday iyo QM oo war ka soo saartay

Sida ay sheegayaan hay’adaha Qaramada Midoobay ee qaxootiga iyo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles