Wednesday, March 18, 2026

Madaafiic lagu garaacay suuq mashquul ah oo Suudaan ku yaalla oo dad badan ay ku dhinteen

Duqeynta suuq mashquul ah oo u dhow caasimadda Suudaan ayaa meydad ka buuxiyay goobta meydadka lagu keydiyo, sida ay sheegtay hay’adda samafalka caafimaadka ee Dhaqaatiirta aan Xuduudda Lahayn (MSF).

MSF iyo dowladda Suudaan ayaa sheegay in kooxda RSF ay mas’uul ka yihiin weerarkii shalay lagu qaaday suuqa ku yaalla magaalada Omdurman, kaasoo ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen in ka badan 100 qof – taas oo ay RSF beeniyeen.

Inta badan kuwa ku dhintay suuqa waxay ahaayeen haween iyo carruur, sida uu sheegay Midowga Dhaqaatiirta Suudaan.

RSF iyo ciidamada Suudaan ayaa waxaa ka dhaxeeya dagaal sokeeye, in ka badan 22 bilood, waxaana ku dhintay tobnaan kun oo qof wuxuuna dalkaas geliyay waxa ay QM ku qeexday xasaradda bani’aadannimo ee ugu ba’an adduunka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Lafta gareen oo tagay Baydhabo xilli uu khilaaf kala dhexeeyo DFS

Sida ay sheegayaan wararka Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan...

Xildhibaanada ka soo horjeeda Lafta gareen oo fariin adag u diray DFS

Xildhibaano ka tirsan BFS ee laga soo doortay deegaanada...

Koofur Galbeed oo xariirka u jartay Dowladda Soomaaliya

Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa goordhaw ku dhawaaqay inuu...

Tahriibayaal ay ku jiraan Soomaali oo laba maalmood ku xayirnaa badda oo la badbaadiyay

Markab samatabbixin ah oo lagu magacaabo Aita Mari, lagana...

Trump oo weerar afka ah ku qaaday Soomaalida

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa mar kale hadallo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles