Duqeynta suuq mashquul ah oo u dhow caasimadda Suudaan ayaa meydad ka buuxiyay goobta meydadka lagu keydiyo, sida ay sheegtay hay’adda samafalka caafimaadka ee Dhaqaatiirta aan Xuduudda Lahayn (MSF).
MSF iyo dowladda Suudaan ayaa sheegay in kooxda RSF ay mas’uul ka yihiin weerarkii shalay lagu qaaday suuqa ku yaalla magaalada Omdurman, kaasoo ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen in ka badan 100 qof – taas oo ay RSF beeniyeen.
Inta badan kuwa ku dhintay suuqa waxay ahaayeen haween iyo carruur, sida uu sheegay Midowga Dhaqaatiirta Suudaan.
RSF iyo ciidamada Suudaan ayaa waxaa ka dhaxeeya dagaal sokeeye, in ka badan 22 bilood, waxaana ku dhintay tobnaan kun oo qof wuxuuna dalkaas geliyay waxa ay QM ku qeexday xasaradda bani’aadannimo ee ugu ba’an adduunka.