Saturday, May 31, 2025

Madaxtooyada Soomaaliya oo war ka soo saartay shirkii u dhexeeyay MW Xasan Sheekh iyo kuwa dowlad goboleedyada

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir-guddoomiyay kulan ay isugu yimaadeen hogaamiyeyaasha dowlad goboleedyada Koofurgalbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug, kaas oo horudhac u ah baaqii Madaxweynaha ee dadaallada lagu mideynayo shacabka Soomaaliyeed si loo laba-jibaarro hawlgallada lagu ciribtirayo cadawga Khawaarijta ah.

Kulanka ayaa lagu wadaagay warbixinno ku saabsan xaaladda guud ee dalka iyo hawlgallada hadda socda. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku bogaadiyay madaxweynayaasha dowlad-goballeedyada kaalinta hoggaamineed ee ay ka qaadanayaan abaabulka iyo isku-duwidda dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.

Intii uu kulanku socday ayay madaxdu ka wadahadleen muhiimadda ay leedahay in loo diyaargaroobo gogosha qaran ee dhawaan uu ku baaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda, taas oo ujeedkeedu yahay in la abuuro jawi midnimo oo ku jiheysan la-dagaallanka Khawaarijta, maadaama ka-guul-gaarista dagaalkaas ay noqon doonto billowga guul qaran oo dalka iyo dadkuba ay ku diirsadaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xasuusan in guulaha waaweyn ee laga gaaray la-dagaallanka argagaxisada ay ku yimaadeen taageerada hagar-la’aanta ah ee ay shacabka Soomaaliyeed la garab-taaganyihiin geesiyaasha xoogga dalka iyo kuwa deegaanka, ayaa mudnaanta koowaad siinaya xoojinta midnimada ummadeed ee ku wajahan ka-miro-dhalinta halganka dalka looga xoreynayo cadawga arxanlaaweyaasha ah.

Iyadoo laga ambaqaadayo ujeeddadaas, Madaxweynaha Qaranka iyo Madaxda Dowlad-goboleedyadu waxa ay isku raaceen in lagu howlgalo niyadsami ay saldhig u tahay tixgelinta talada, tusaalaha iyo taageerada indheergaradka, aqoonyahanka, hoggaamiyeyaasha siyaasadda iyo guud ahaan bulshada. Tani waxay muhiim u tahay xaqiijinta hadafka qaran ee ku dhisan in cod iyo cududba loo mideeyo ciribtirka cadawga Khawaarijta.

WARARKII KALE

Israa’iil oo wasiirrada Carabta ka hor istaagtay inay tagaan Gaza

Dowladda Israa’iil ayaa lagu soo warramayaa in ay dhowr...

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 31/05/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Xildhibaano Cusub oo maanta lagu doortay Jowhar

Waxaa xarunta Baarlamaanka Hirshabeelle lagu qabtay doorasho dib-u-buuxin ah...

Puntland oo sheegtay in gacanta lagu dhigay Taliskii ugu weynaa ee Daacish ku laheyd Ceelka Miraale

Ciidanka Difaaca Puntland ayaa gacanta ku dhigay Taliskii ugu...

Dhisme ku dumay Degmada Howlwadaag iyo Dad Badan oo Khasaaro soo gaaray

Inta la xaqiijiyay in Seddex qof ayaa geeriyootay halka...

Duqeyn lala beegsaday saldhig ay Al-shabaab ku leeyihiin Shabeelada Hoose iyo Jubbada Dhexe

Diyaarado dagaal ayaa duqeymo waxaa ay ka fuliyeen deegaano...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles