Madaxtooyada Soomaaliya oo war kasoo saartay safarka madaxweyne Xasan ee Itoobiya

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa war kasoo saartay safarka madaxweyne Xasan uu ku tagayo dalka Itoobiya, halkaasoo uu ku casuumay ra’iisul wasaraha dalka Itoobiya Abiye Axmed.

Qoraalka ay madaxtooyada soo saartay ayey ku sheegtay in Socdaalkan uu dabasocda heshiiskii dhawaan lagu gaaray magaalada Ankara.

“Galabta, Madaxweynaha ayaa safar ku tagi doona Itoobiya ka dib markii uu martiqaad rasmi ah ka helay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Mudane Abiy Axmed. Wadahadalka uu la yeelanayo madaxda Itoobiya ayaa ujeedkiisu yahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo horumarinta danaha wadajirka ah ee labada dal. Socdaalkan ayaa dabasocda heshiiskii dhawaan lagu gaaray Ankara, taas oo ka tarjumaysa iskaashi cusub oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya” ayaa lagu yiri qoraalka.

Markii ugu dambeysay uu madaxweyne Xasan Sheikh uu tagio Addis Ababa waxay ahayd 17-kii bishii February ee sannadkii hore, markaas oo ciidamada Itoobiya ay isku dayeen in ay ka hor istaagaan ka qeybgalka shirka Midowga Afrika oo ka socday halkaas.

Labada dal ayaa xilligaas is adag isugu hayay heshiiska arrimaha badda ee ay Itoobiya la gashay Somaliland, kaasoo dowladda Soomaaliya ay si weyn uga carootay, keenayna inuu xiriirka labada dal aad u xumaad.

Si kastaba, Dadweynaha ayaa is weydiinaya sababaha soo dadajiyay safarka madaxweynaha, inkastoo labada dowladood ay dhowaan heshiis ku gaareen magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ra’iisul Wasaare Abiy oo shaaciyay in la bilaabayo dhismaha dhuumaha shidaalka ee Jabuuti iyo Itoobiya

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ku dhawaaqay in...

Farmaajo oo Xasan Sheekh ugu baaqay wada-hadal qaran iyo doorasho heshiis lagu yahay

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna hoggaamiyaha Xisbiga Nabad iyo...

DFS oo ka hortimid hadalka Puntland ee madax-bannaanida

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya, Cali Yuusuf...

Hoggaamiyaha Dowlad-goboleedka Hirshabelle, Cali Guudlaawe oo lagu soo dhaweeyay magaalada Jowhar

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe)...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles