Madaxtooyada Soomaaliya oo war kasoo saartay safarka madaxweyne Xasan ee Itoobiya

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa war kasoo saartay safarka madaxweyne Xasan uu ku tagayo dalka Itoobiya, halkaasoo uu ku casuumay ra’iisul wasaraha dalka Itoobiya Abiye Axmed.

Qoraalka ay madaxtooyada soo saartay ayey ku sheegtay in Socdaalkan uu dabasocda heshiiskii dhawaan lagu gaaray magaalada Ankara.

“Galabta, Madaxweynaha ayaa safar ku tagi doona Itoobiya ka dib markii uu martiqaad rasmi ah ka helay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Mudane Abiy Axmed. Wadahadalka uu la yeelanayo madaxda Itoobiya ayaa ujeedkiisu yahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo horumarinta danaha wadajirka ah ee labada dal. Socdaalkan ayaa dabasocda heshiiskii dhawaan lagu gaaray Ankara, taas oo ka tarjumaysa iskaashi cusub oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya” ayaa lagu yiri qoraalka.

Markii ugu dambeysay uu madaxweyne Xasan Sheikh uu tagio Addis Ababa waxay ahayd 17-kii bishii February ee sannadkii hore, markaas oo ciidamada Itoobiya ay isku dayeen in ay ka hor istaagaan ka qeybgalka shirka Midowga Afrika oo ka socday halkaas.

Labada dal ayaa xilligaas is adag isugu hayay heshiiska arrimaha badda ee ay Itoobiya la gashay Somaliland, kaasoo dowladda Soomaaliya ay si weyn uga carootay, keenayna inuu xiriirka labada dal aad u xumaad.

Si kastaba, Dadweynaha ayaa is weydiinaya sababaha soo dadajiyay safarka madaxweynaha, inkastoo labada dowladood ay dhowaan heshiis ku gaareen magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles