Saturday, March 14, 2026

Madaxweynaha Hirshabeelle iyo safiirka dowladda turkiga oo ka wada hadlay dagaalka Al-shabaab

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo Safiirka Dowladda Turkiga Danjire Alper Aktas oo yeeshay wada haddal khadka telefoonka ah.

Ugu horeyn Safiirka ayaa ugu mahadceliyay Madaxweynaha Hirshabeelle adkeysiga dagaalka Khawaarijta xilli lagu jiro bisha barakeysan ee Soon-qaad.

Sidoo kale safiirka ayaa u tacsiyeeyay intii ku dhimatay dagaalka isagoo Rabbi uga baryay caafimaad inta ku dhawaacantay howlgalka dabar-goynta Khawaariijta.

Danjire Alper Aktas ayaa tilmaamay in laga adkaan doono argagixisada waqti dhow.

“Farriinta Dowladda Turkiga oo ka mid ah walaalaha Soomaaliya waxa ay dhiirogelin u tahay dhammaan naf-hurayaasha taagan furimaha dagaalka Hirshabeelle.”

Gunaanadkii, Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa ugu mahadceliyay Danjiraha Dowladda Turkiga ee u fadhiyo Soomaaliya wada haddalka khadka telefoonka ee uu lasoo sameeyay.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 13 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Turkey oo 4 markab dagaal u soo diraysa xeebaha Somalia

Dowladda Turkey ayaa ku dhawaaqday inay afar markab oo...

Buundada Sabiid iyo Caanoole oo maanta duntay

Buundada ku taalla deegaanka Sabiid iyo Caanoole ee gobolka...

DFS oo ka digtay saldhig militari oo Israa’iil ka dhisan karto Berbera

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka digtay in dhulka dalka...

Trump oo ka hadlay xaalada hoggaamiyaha cusub ee Iran

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in hoggaamiyaha cusub...

Jaamacada Carabta oo soo dhaweysay Ansixinta Dastuurka

Axmed Aboul Gheit, Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles