Saturday, March 7, 2026

Madaxweynaha JFS” Laascaanood waa magaalada Midnimada iyo Astaanta Soomaaliya”

Laascanood,Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qeyb galay munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali iyo Madaxweyne Kuxigeenka Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.

Madaxweynaha ayaa munaasabadda ku tilmaamay bilow taariikhi ah oo lagu xoojinayo midnimada dalka, waxa uuna sheegay in Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari uu yahay maamul ku dhismay dib-u-heshiisiin, wadahadallo iyo rabitaanka bulsho, sidaas darteedna uu xubin buuxda ka yahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caddeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si buuxda u garab taagan tahay dadaallada nabadeynta, oo ay ka mid yihiin sii daynta maxaabiista, furitaanka waddooyinka, xoojinta ganacsiga iyo walaalaynta bulshada Soomaaliyeed.

“Waqooyi Bari waa dowlad xubin ka ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxayna leedahay dhammaan xuquuqda ay leeyihiin dowlad-goboleedyada kale ee dalka. Maamulka Hargaysa waxaan ugu baaqayaa inay ajiibaan rabitaanka nabadda iyo walaaltinimada ay diyaarka u yihiin walalaahooda Waqooyi Bari, ma nihin dad kala maarmi karo, waana soo tijaabinnay inaan la is-maquunin karin”.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqay hay’adaha dowladda, kuwa aan dowliga ahayn iyo saaxiibada caalamka in ay si buuxda ula shaqeeyaan Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari, isaga oo ku dhiirrigeliyay qurbojoogta iyo aqoonyahanka in ay ka qeyb qaataan horumarinta deegaannadan.

WARARKII KALE

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo furimaha hore ee gobolka Shabeellaha Dhexe kula afuray cutubyo ka tirsan Ciidanka

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud,...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 06 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Jeneraal Khaalid oo Isbitaalka Xoogga ku booqday carruur ay Al-Shabaab ku dhaawaceen G/Sh/Hoose

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye-Guuto Sahal Cabdullaahi...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo abaal-marin siiyay ardaydii ku guuleysatay tartanka Quraanka Kariimka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo soo xiray Tartanka...

James Swan oo loo magacaabay inuu noqdo ergeyga Corgo

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa u...

Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday muddo kororsi hal sano ah

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday muddo kororsi hal sano...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles