Tuesday, January 20, 2026

Madaxweynaha JFS” Laascaanood waa magaalada Midnimada iyo Astaanta Soomaaliya”

Laascanood,Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qeyb galay munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali iyo Madaxweyne Kuxigeenka Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.

Madaxweynaha ayaa munaasabadda ku tilmaamay bilow taariikhi ah oo lagu xoojinayo midnimada dalka, waxa uuna sheegay in Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari uu yahay maamul ku dhismay dib-u-heshiisiin, wadahadallo iyo rabitaanka bulsho, sidaas darteedna uu xubin buuxda ka yahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caddeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si buuxda u garab taagan tahay dadaallada nabadeynta, oo ay ka mid yihiin sii daynta maxaabiista, furitaanka waddooyinka, xoojinta ganacsiga iyo walaalaynta bulshada Soomaaliyeed.

“Waqooyi Bari waa dowlad xubin ka ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxayna leedahay dhammaan xuquuqda ay leeyihiin dowlad-goboleedyada kale ee dalka. Maamulka Hargaysa waxaan ugu baaqayaa inay ajiibaan rabitaanka nabadda iyo walaaltinimada ay diyaarka u yihiin walalaahooda Waqooyi Bari, ma nihin dad kala maarmi karo, waana soo tijaabinnay inaan la is-maquunin karin”.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqay hay’adaha dowladda, kuwa aan dowliga ahayn iyo saaxiibada caalamka in ay si buuxda ula shaqeeyaan Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari, isaga oo ku dhiirrigeliyay qurbojoogta iyo aqoonyahanka in ay ka qeyb qaataan horumarinta deegaannadan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 19 01 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixday heshiis iskaashi difaac

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Qatar ayaa maanta kala...

Maxkamadda Racfaanka Bariga Afrika oo meesha ka saartay murankii ka dashay soo xulista xildhibaanada Soomaaliya ee EALA

Maxkamadda Bulshada Bariga Afrika (EACJ) ee fadhigeedu yahay magaalada...

Tahriibayaal ay ku jiraan Soomaali ah oo laga sii daayay xabsi qarsoodi ah

Warbixin ay qortay Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa lagu...

DFS oo ka qeyb galaysa shir ka dhacaya Hindiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda  Soomaaliya ayaa dhawaan safar rasmi ah...

Taliska Ciidanka Booliiska oo askarta hubeysan ka mamnuucay Mootada Fekonta iyo askari dhac geystay oo la qabtay

Taliska Ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir ayaa mamnuucay in askari...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles