RW Xamsa oo adkeeyay muhiimadda Difaaca Dalkeenna

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kala qeyb-galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, Mudane Cabdulqadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), iyo iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, oo maanta ka qabsoomay magaalada Laascanood Xarunta Gobolka Sool.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka, Guddoonka Golaha Wakiillada iyo dhammaan goleyaasha Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari, isaga oo ku booriyey in ay ka shaqeeyaan u adeegidda dadka ku nool deegaannadooda, akeynta amniga xoojinta dowlad-dhiska Soomaaliya iyo nabadeynta bulshada.

“Waxaan bogaadinayaa dowladda iyo shacabka reer Waqooyi Bari, dadaalka ay ugu jiraan midnimada iyo wadajirka dalkeeenna, kama aydan shaqayn kala fogaynta ummadda Soomaaliyeed, waxa aad xoogga saarteen sidii aad u heli lahaydeen nabad, isku duubni, waxaad xoogga saarteen daris wanaagga iyo dowlad-dhiska midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo farriin u diray ummadda Soomaaliyeed, ayaa adkeeyay muhiimadda ay leeday difaaca dalkeenna, midnimadda shacabka iyo dowladda, isaga oo sheegay in Bahada Dhaqanka Soomaaliyeed iyo Haldoorkooda, looga baahanyahay u istaagidda Qaranimada.

“Waxa aan u baahannahay midnimo iyo wadajir dadka Soomaaliyeed waxa aan ugu baaqaya in ay baraarugaan oo xaqiiqada aqbalaan, maanta dalkeenna waxa uu ku jiraa marxalad siyaasadeed oo u baahan dhiifoonaan, waxaa muhiim ah xilligan oo kale in hoggaanka dalka lagu garab istaago dadaallada joogtada ah ee ay ugu jiraan sidii ummadda Soomaaliyeed la isugu keeni lahaa midnimadana loo difaaci lahaa”.

Mudane Xamsa, ayaa ku amaanay bulshada ku nool deegannada Waqooyi Bari Soomaaliya dadaalkooda ay galiyeen nabadda, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaa uu tilmaamay in ay waqti adag u hiiliyeen sidii mar-labaad Calanka Jamhuuriyadda looga taagi lahaa Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 25 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Taliyaha Booliska Nigeria “Nabad la’aanta Soomaaliya waxay saameyneysaa Nigeria”

Taliyaha Cutubka Booliska Nigeria ee howlgalka Midowga Afrika ee...

Ciidamada Kenya oo ka hortagay weerar Al-Shabaab ay ka geysteen xuduudda Soomaaliya

Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) oo roondo ka waday deegaanka...

Xasan Sheekh, Xamse iyo Mahad oo xalay kulan yeeshay iyo go’aan laga gaaray Doorashada Galmudug

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xalay kulan uu...

RW Xamsa oo ku wajahan Qatar iyo Soomaaliya oo Dooxa ka dalbanaysa taageero dheeraad ah

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, iyo...

Guddoomiye Jaamac oo si kulul uga hadlay muranka dhulalka Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa si...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles