RW Xamsa oo adkeeyay muhiimadda Difaaca Dalkeenna

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kala qeyb-galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, Mudane Cabdulqadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), iyo iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, oo maanta ka qabsoomay magaalada Laascanood Xarunta Gobolka Sool.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka, Guddoonka Golaha Wakiillada iyo dhammaan goleyaasha Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari, isaga oo ku booriyey in ay ka shaqeeyaan u adeegidda dadka ku nool deegaannadooda, akeynta amniga xoojinta dowlad-dhiska Soomaaliya iyo nabadeynta bulshada.

“Waxaan bogaadinayaa dowladda iyo shacabka reer Waqooyi Bari, dadaalka ay ugu jiraan midnimada iyo wadajirka dalkeeenna, kama aydan shaqayn kala fogaynta ummadda Soomaaliyeed, waxa aad xoogga saarteen sidii aad u heli lahaydeen nabad, isku duubni, waxaad xoogga saarteen daris wanaagga iyo dowlad-dhiska midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo farriin u diray ummadda Soomaaliyeed, ayaa adkeeyay muhiimadda ay leeday difaaca dalkeenna, midnimadda shacabka iyo dowladda, isaga oo sheegay in Bahada Dhaqanka Soomaaliyeed iyo Haldoorkooda, looga baahanyahay u istaagidda Qaranimada.

“Waxa aan u baahannahay midnimo iyo wadajir dadka Soomaaliyeed waxa aan ugu baaqaya in ay baraarugaan oo xaqiiqada aqbalaan, maanta dalkeenna waxa uu ku jiraa marxalad siyaasadeed oo u baahan dhiifoonaan, waxaa muhiim ah xilligan oo kale in hoggaanka dalka lagu garab istaago dadaallada joogtada ah ee ay ugu jiraan sidii ummadda Soomaaliyeed la isugu keeni lahaa midnimadana loo difaaci lahaa”.

Mudane Xamsa, ayaa ku amaanay bulshada ku nool deegannada Waqooyi Bari Soomaaliya dadaalkooda ay galiyeen nabadda, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaa uu tilmaamay in ay waqti adag u hiiliyeen sidii mar-labaad Calanka Jamhuuriyadda looga taagi lahaa Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 05 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Loollanka Israel iyo Turkey oo kusoo wajahan Geeska Afrika, Somaliland iyo Soomaaliya

 Warbixin ay baahisay Middle East Eye ayaa sheegtay...

MW Xasan Sheekh oo Kulan la yeeshay Madaxweynaha Eritrea

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan...

Dowladda Itoobiya oo Ka Jawaabtay Kulankii Soomaaliya, Masar, Eritrea iyo Suudaan

Dowladda Itoobiya ayaa ka jawaabtay kulankii ay Soomaaliya, Masar,...

Badmaaxiin u dhashay Masar oo Soomaaliya laga sii daayay oo gaaray Qaahira

Siddeed badmaaxiin oo u dhashay dalka Masar ayaa gaaray...

R/Wasaare Xamse oo gaaray degmada Balanbale

Ra’iisul Wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles