Somaliland oo ciidamo cusub ku soo Bandhigtay G/Sool

Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in ka badan 6,000 askari ay tababar ugu soo xirtay gobolka Sool, xilli Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu ku sugan yahay magaalada Laascaanood, islamarkaana uu ka qeyb galayo munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, Cabdulqaadir Aw-Cali Firdhiye.

Taliyaha Guud ee Ciidanka Qaranka Somaliland ayaa hadal adag ka jeediyay munaasabada, isagoo sheegay in Sool ay tahay dhul Somaliland ka tirsan, islamarkaana aanu waxba ka beddeli karin qof uu ku tilmaamay “qof diyaarad dhuumasho ah ku yimid,”.

Dhanka kale, Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa si adag uga hadlay booqashada madaxda dowladda federaalka ee ku sugan Laascaanood, isagoo ku tilmaamay “faragelin qaawan” oo ka dhan ah waxa uu ugu yeeray madaxbannaanida Somaliland.

Madaxweyne Cirro ayaa beesha caalamka uga digay in tallaabooyinkan ay halis ku yihiin nabadda iyo xasilloonida gobolka, gaar ahaan Geeska Afrika, isagoo sheegay in Somaliland ay u aragto arrintan mid sii hurin karta xiisado hor leh.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 15 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

IGAD oo maanta Jabuuti ka furaysa shir looga hadlayo nabadda iyo amniga Geeska Afrika

Shir aan caadi ahayn oo ay yeelanayaan Golaha Wasiirrada...

Trump oo Danjirayaal Cusub u Magacaabay Soomaaliya, Jabuuti iyo Sacuudiga 

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa 14-kii Sebtembar 2026 u...

Cirro oo DF ku eedeeyay in ay dadka Kala qeybisay iyo arrimo xasaasi ah uu ka hadlay

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa sheegay in...

Duqeyn culus oo xalay ka dhacday duleedka Baydhabo

Duqeyn culus ayaa xalay ka dhacday deegaanka Ceel-Muud, oo...

Meleeshiyaad hubeysan oo dad rayid ah laayay iyo faahfaahin ka soo baxaysa

Ugu yaraan 15 qof ayaa lagu dilay weerarro ay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles