Madaxweyne Xasan oo Laascaanood ay isku wareysteen Wafdi ka socda dowladda Jabuuti

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hoyga uu ka degan yahay magaalada Laascaanood kula kulmay wafdi ka socda dowladda Jabuuti oo ka qayb galaya caleema-saarka madaxweynayaha Waqooyi Bari Soomaaliya.

Qoraal la soo dhigay barta bulshada madaxtooyada Soomaliya ayaa lagu yiri ‘’Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mas’uuliyiinta la wadaagay abaalka taariikhiga ah ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay u hayaan dowladda iyo shacabka aynu walaalaha nahay ee Jabuuti, garab istaagga ay u fidiyeen Soomaaliya, waqtiga adag ee difaaca madax-bannaanida iyo midnimada dalka iyo taageerada aan dhammaadka lahayn ee ay la hareer joogaan xoojinta nabadda, dowlad-dhiska iyo horumarka dalkeenna’’

Dhankooda, Mas’uuliyiinta wafdiga dowladda Jabuuti ayaa Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay guulaha diblomaasiyadeed ee ay kasoo hooyeen, ilaalinta gobanimada iyo midnimada dalka, iyaga oo markale ku celiyay mowqifka aan leexleexadka lahayn ee Dowladda Jabuuti ee ku aaddan ilaalinta Qarannimada iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wafdiga Dowladda Jabuuti ee gaaray magaalada Laasacaanood ayaa ka kooban, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Jabuuti, Mudane Mu’min Xasan Barre, Wasiirka Isgaarsiinta, Mudane Ridwaan Cabdullaahi Bahdoon, Safiirka Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya iyo Mas’uuliyiin kale.

 

WARARKII KALE

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles