Tuesday, March 10, 2026

Madaxweynaha JFS oo soo dhaweeyay heshiiska Xabbad-joojinta Gaza

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa soo dhaweeyay heshiiska xabbad-joojinta Gaza, isaga oo bogaadiyay dadaallada ay sameeyeen dalalka Qatar, Masar, iyo Mareykanka si loo xaqiijiyo heshiiskan.

Madaxweynaha ayaa ku baaqay in la isku keeno dadaallada caalamiga ah iyo kuwa gobolka si loo adkeeyo heshiiska xabbad-joojinta, isla markaana loo dedejiyo gaarsiinta gargaarka bini’aadantinimo ee degdegga ah ee shacabka ku nool Gaza, si loo yareeyo xaaladdooda adag ee bini’aadantinimo.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliya ay had iyo jeer taageersan tahay nabadda, isaga oo ku baaqay in la helo xal cadaalad iyo waara ah oo lagu dhisayo dowlad Falastiini ah oo madaxbannaan, si waafaqsan mabda’a laba dowladood.

WARARKII KALE

DFS oo sheegtay in Dhammeystirka Dastuurka la kala tashtay siyaasiyinta mucaaradka ee uu hoggaamiyo Sheekh Shariif

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdiraxmaan Aadan Cali ayaa sheegay in...

Ciidan cusub oo ku biiray abaabulka ka dhanka ah Lafta gareen

Abaabul iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed iyo kuwo amni ayaa ka...

Dekedda Muqdisho oo ku biirtay ururka caalamiga ah ee dekedaha (IAPH)

Maamulka Dekedda Muqdisho ayaa ku dhawaaqay in dekeddu si...

Mareykanka iyo Iran yaa soo afjari doono dagaalka ka socda Bariga Dhexe

Dagaalka u dhexeeya Mareykanka, Israa’iil iyo Iiraan ayaa galay...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 09 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ka digay muddo kororsi uu sameysto Xasan Sheekh

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen ku...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles