Wednesday, March 4, 2026

Madaxweynaha Koofur Galbeed oo maanta gaaray Muqdisho

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed,Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, si uu uga qeyb galo Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo lagu wado inuu ka furmo caasimadda maalmaha soo socda.

Imaanshaha Laftagareen ayaa kusoo beegmaya xilli ay hore u joogeen Muqdisho madaxweynayaasha Hirshabelle iyo Galmudug, taas oo sare u qaaday rajada ah in shirku si rasmi ah u qabsoomo.

Wuxuu madaxweynaha lagu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde isagoo ay weheliyaan xubno ka tirsan maamulka Koofur Galbeed iyo wafdi kale oo heer sare ah.

Shirkan Golaha Wadatashiga Qaran ayaa lagu wadaa in looga hadlo arrimo muhiim ah sida:

Habsami u socodka hanaanka doorashooyinka dalka,

Dhammeystirka dastuurka,

Qorshaha amniga qaranka iyo la dagaallanka argagixisada,

Xoojinta xiriirka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada.

Waxaa sidoo kale la filayaa in shirkan uu qeyb ka noqdo Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo, Cabdiqaadir Firdhiye, oo isna ku sugan Muqdisho, inkasta oo wali aan si rasmi ah loo xaqiijin doorkiisa shirka.

Sidoo kale waxaa weli ka maqan magaalada Muqdisho madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland, kuwaas oo aan ilaa hadda caddeyn inay ka qeyb geli doonaan shirka.

WARARKII KALE

RW Ku-xigeenka XFS oo Kulan Miro-Dhal ah Layeeshay Duqda Muqdisho

Raysal Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saalax...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Safiirka Turkiga?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan...

Shiinaha oo war ka soo saaray markab kalluumeysi oo lagu afduubtay Puntland

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga...

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles