Madaxweynahe xasan sheekh oo daahfuray barnaamijka abuur iyo sannad-tacliimeedka 2026/2027 ee waxbarashada sare ee dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qaybgalay munaasabadda furitaanka sannad-tacliimeedka 2026/2027 ee waxbarashada sare ee dalka, taasi oo ka dhacday xarunta dhexe ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in horumarka Soomaaliya uu si weyn ugu xiran yahay tayeynta waxbarashada, kobcinta aqoonta iyo maalgelinta dhallinyarada, isaga oo xusay in jaamacaduhu ay door muhiim ah ku leeyihiin diyaarinta jiil aqoon iyo xirfad u leh hoggaaminta dalka iyo ka qayb qaadashada horumarkiisa.

Madaxweynaha JFS ayaa intii ay socotay munaasibaddu waxa uu daah-furay Hindisaha ABUUR, oo lagu kobcinayo hal-abuurka, curinta iyo xirfadaha ganacsi ee ardayda Soomaaliyeed, isaga oo sidoo kale xarigga ka jaray dhismayaasha cusub ee Kulliyadaha Jaamacadda, xarunta guddiga caafimaadka arrimaha Carabta iyo xarunta gurmadka degdegga ah iyo daryeelka xaaladaha halista ah

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa dhagax-dhigay dhismeyaasha guriga martida Jaamacadda Ummadda iyo dhismaha Hal-abuurka iyo cilmi baarista, kuwaasi oo ka qayb qaadanaya dadaallada lagu tayeynayo Waxbarashada Sare, tababarrada caafimaadka iyo cilmi-baarista dalka.

WARARKII KALE

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo guddoomiyey kulanka xisaabtanka sanadlaha ah ee Xukuumadda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre...

Shir madaxeedka dalalka BRICS oo doodiisa ay hareeyeen go’aamada masaxweyne Trump

Mareykanku ma aha xubin ka tirsan ururka BRICS, balse...

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya iyo madaxweynaha Iran oo ka wadahadlay arrinta Badda Cas

Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa wadahadallo la yeeshay...

CiidankaYemen ayaa sheegtay inay khasaare culus gaarsiiyeen ku gaasiiyeen Xuutiyiinta Makha iyo Dhabab

Afhayeen u hadlay ciidamada qalabka sida ee dowladda Yemen...

Duqeymo ka Dhacay Gobolada Sh/Hoose iyo Jubbada dhexe

Sida ay sheegayaan Wararka duqeymo is xig xigay ayaa...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 11 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles