Friday, September 12, 2025

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Sharif iyo Farmaajo oo war ka soo saaray Qaraxii xalay ka dhacay Liido

Madaxweynihii sagaalaad ee dowlada federaalka soomaaliya,Maxamed Cabdulaahi Farmaajoayaa si adag u canbaareeyay weerarkii xalay kadhacay Xeebta leedo ee magaalada Muqdisho.

Qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook ayaa u qornaa sidan”Shacabka iyo qaranka Soomaaliyeed oo idil waxaan uga tacsiyeynayaa dadkeenna ku shahiiday weerarka argagixisanimo ee caawa ka dhacay Caasimadda Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxa uu si adag uga hadlay goobaha dadwaynaha ee nasashada oo marar kala duwan ay weearareen dagaalamaayasha Al Shabaab

“Goobaha nasashada dadweynaha in weerar iyo qarax ay ku beegsadaan argagixisada Alshabaab waxay muujinaysaa cadaawadda, diin la’aanta iyo damiir xumada arxan laaweyaashan caadeystay xasuuqa iyo gumaadka dadka Soomaaliyeed”.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ayaa shacabkaugu baaqay,in ay midoobaan”Baaxadda dhibta gaartay dadkeenna caawa waxaa waajib ah in aan gacmaha isqabsanno oo ugurmanno dhaawacyada iyo ehelada shuhadada, iyada oo gacan la siinayo laamaha caafimaadka iyo amniga”.

Waxa uu kaletacsi u diray ehalada ay ka baxeen haldoorkii ay ku indho kuulanayeen”Alle ha caafiyo muwaadiniinta ay soo gaareen dhaawacyadu, marxuumiinta biri ma geydada ah ee ina ka shahiidayna hoygooda ha ka yeelo Jannatul Firdowsa.

Sidoo kale madaxweynihii hore ee Soomaaliya,Shariid Sheekh Axmed  ayaa soosaaray qoraalkan

“In ay argagaxisadu weerarkan ku soo beegaan caawa oo kale oo Jimco ah ay xeebtu ugu saxmad badan tahay waxay muujinaysaa cadawtooyada ay argagaxisadu u qabaan dadka Soomaaliyeed”.

Halkan hoose ka eeg war-saxaafadeedka ay soo saareen labada madaxweyne.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 11/09/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Israa’iil oo ku hanjabtay inay dili doonto hoggaamiyayaasha Xamaas ee ku haray Qadar

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa mar kale ku...

Golaha ammaanka oo shir degdeg ah ka yeelnaya diyaaradihii Ruushka ee Poland soo ridday

Codsi ka yimid Poland awgiis, Golaha Ammaanka ee Qaramada...

DFS oo lagu wareejiyay gaadiid dagaal iyo agab kale

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, oo uu wehliyo...

Golaha wasiirada Soomaaliya oo cambaareeyay weerarka ay Israa’iil ku qaaday Qatar

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa si adag u...

Khilaaf xooggan oo soo kala dhex galay safiirada Soomaaliya ee dalalka Kenya iyo Tanzania

Khilaaf dibloomaasiyadeed ayaa soo shaac baxay kadib markii Safaaradda...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles