Saturday, June 14, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Kulan Deg Deg Ah La Qaatay Laamaha Amniga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Ra’iisul Wasaaraha X.J.F.S, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa Guddoomiyey kulan deg deg ah oo ay isugu yimaadeen laamaha Amniga dalka, kaasi oo hay’adaha ammaanka looga dhageystay warbixin ku saabsan weerarkii argagixisadu ku qaaday shacabka Soomaaliyeed ee ku sugnaa xeebta Liido, qasaaraha ka dhashay iyo qorshaha lagu xaqiijinayo amniga caasimadda.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mas’uuliyiinta hay’adaha ammaanka hor dhigay weydiimo ku saabsan sida uu ku dhacay weerarkaasi, qaabka looga gaashaamankaro dhagarta Khawaarijta, iyo habka loogu gurmaday shacabka ay dhibaatadu soo gaartay, isaga oo tacsi u diray dhammaan qoysaska iyo ehellada ay ka shahiideen shuhadadii ku baxay weerarkii ka dhacay Xeebta Liido, isla markaana caafimaad degdeg ah u rajeeyey dadkii ku dhaawacmay.

“Innaa Lillaahi Wa Inna Ileyhi Raajicuun. Weerarkii bahalnimada ahaa ee argagixisadu ku qaadeen xeebta Liido waxa uu muujinayaa arxan darrada Khawaarijta iyo yoolkooda oo ah in ay meel kasta ku gumaadaan shacabka Soomaaliyeed. Dowladda waxaa ka go’an in ay ka ciribtirto guud ahaan dalka kooxdan dhiigyacabka ah.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay dhameystirka guusha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada ay ku xiran tahay taageerada iyo wadashaqeynta shacabka Soomaaliyeed. Wuxuu shacabka ugu baaqay in ay la shaqeeyaan hay’adaha amniga, isla markaana ay u midoobaan sidii dalka looga cirib tiri lahaa Khawaarijta.

“Shacabka Soomaaliyeedow walaalayaal argagaxisada Khawaarijta ah ma kala jecla shacab iyo dowlad, dhammaanteenna waxaan agtooda ka nahay cadaw ay baneysteen dhiigooda. U midooba ciribtirkooda, garab u noqda ciidamada Qaranka oo soo sheega kuwa dhexdiinna ku dhuumanaya”.

Madaxweynaha ayaa xusay in Khawaarijtu doonayso in weerarada nuucaan oo kale ah ay ku argagax galiyaan shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay ku qarinayaan jabka is-dabajoogga ah ee ay Ciidamadeenna Qalabka Sida ugu geysanayaan furimaha dagaalka, waxa uuna faray laamaha amniga dalka in ay feejignaan dheeraad ah u yeeshaan weerarada gaadmada ah ee Argagixisadu ku waxyeeleyso shacabka Soomaaliyeed.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 13/06/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Shan urur siyaasadeed oo War cusub kasoo saaray Gogosha uu fidiyay Xasan Sheekh

Illaa shan Urur Siyaasadeed oo dhowaan iska diiwaan geliyay...

Iran oo Golaha amaanka ee QM ka dalbatay kulan deg deg ah

Iran ayaa codsatay kulan degdeg ah oo ay yeeshaan...

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wadahadlay xoojinta amniga

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Mudane Xuseen Macalin, ayaa kulan...

Israa’iil oo weerar ku qaaday Iran

Israa’iil ’il ayaa Waaberigii saaka weerar culus ku qaaday...

Mucaaradka oo ka horyimid go’aanka ay DF ku dhaliishay Beesha Caalamka

Madasha Samatabixinta Sooomaaliyeed oo ku mideysan yihiin madaxdii hore...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles