Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Sharif iyo Farmaajo oo war ka soo saaray Qaraxii xalay ka dhacay Liido

Madaxweynihii sagaalaad ee dowlada federaalka soomaaliya,Maxamed Cabdulaahi Farmaajoayaa si adag u canbaareeyay weerarkii xalay kadhacay Xeebta leedo ee magaalada Muqdisho.

Qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook ayaa u qornaa sidan”Shacabka iyo qaranka Soomaaliyeed oo idil waxaan uga tacsiyeynayaa dadkeenna ku shahiiday weerarka argagixisanimo ee caawa ka dhacay Caasimadda Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxa uu si adag uga hadlay goobaha dadwaynaha ee nasashada oo marar kala duwan ay weearareen dagaalamaayasha Al Shabaab

“Goobaha nasashada dadweynaha in weerar iyo qarax ay ku beegsadaan argagixisada Alshabaab waxay muujinaysaa cadaawadda, diin la’aanta iyo damiir xumada arxan laaweyaashan caadeystay xasuuqa iyo gumaadka dadka Soomaaliyeed”.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ayaa shacabkaugu baaqay,in ay midoobaan”Baaxadda dhibta gaartay dadkeenna caawa waxaa waajib ah in aan gacmaha isqabsanno oo ugurmanno dhaawacyada iyo ehelada shuhadada, iyada oo gacan la siinayo laamaha caafimaadka iyo amniga”.

Waxa uu kaletacsi u diray ehalada ay ka baxeen haldoorkii ay ku indho kuulanayeen”Alle ha caafiyo muwaadiniinta ay soo gaareen dhaawacyadu, marxuumiinta biri ma geydada ah ee ina ka shahiidayna hoygooda ha ka yeelo Jannatul Firdowsa.

Sidoo kale madaxweynihii hore ee Soomaaliya,Shariid Sheekh Axmed  ayaa soosaaray qoraalkan

“In ay argagaxisadu weerarkan ku soo beegaan caawa oo kale oo Jimco ah ay xeebtu ugu saxmad badan tahay waxay muujinaysaa cadawtooyada ay argagaxisadu u qabaan dadka Soomaaliyeed”.

Halkan hoose ka eeg war-saxaafadeedka ay soo saareen labada madaxweyne.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 07 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Kulanka Golaha Shacabka oo kooram la’aan u baaqday

Kulankii maanta ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya...

Guddoomiyaha Doolow“Aniga kama qayb qaadanayo xasaradda Gedo”

Guddoomiyaha degmada Doolow lafey ayaa sheegay inuusan ka qayb...

Badmaax u dhashay Indonesia oo dalkooda ku laabtay

Afar badmaax oo u dhashay Indonesia ayaa maanta dib...

Itoobiya oo MW Xasan Sheekh ku eedeysay “khiyaano”

Wakaaladda Wararka Itoobiya ee ENA ayaa maqaal dheer oo...

Diyaar garowga Shirka 2-aad ee Guddiga Wadajirka Joogtada ah ee Dowladaha Soomaaliya iyo Uganda oo ka socda Muqdisho

Dowladda Soomaaliya ayaa Dardar gelinaysa Diyaargarowga Shirka 2-aad ee...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles